Gabay · Sare

Socdaaladatan Joogow Berraad

Xuseen Dhiqle

Tiriyey: Xuseen Dhiqle ·

Socdaaladatan joogow berraad, socod damcaysaane Safaryahow salaama e haddaad, saaka naga guurto Sagootigii iyo hadday, sooryo idin raacdo Saraar yeelan meel siman bannaan, suudi iyo guure Jidku waa sursuuree haddii, Eebbe idin saabsho Sabadii baddii waxaad u dhixi, laba siddeedaade Hadday idin salaamaan kuwii, sahanka dhawraayey War haddii lagaa sugo adoo, daal la socon waayey Sunne ma aha xaajaduye yey, idinka seeraarin Abtiyaal sidaan idin fariyo, sawd yar naga geeya Ku salaama boqorkii adduun, seegid bow darane

Gabay waa nin seegiyo nimuu, saabka kaga yaalle Sikhilaa la mariyaa birtaan, soofe kicinayne Waan kala sifeeyaa sidii, saayaqoo kale Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay Sawd kalena waa hadal yarood, sixi akhbaartiisa

Sallax Eerigooy maalintey, samaddu gaadootey Sumuciyo jigraha maalintay, saanadu is dhaaftay Saraakiisha maantuu tukuhu, saabka kaga joogay Ee suuniyaalow Kufrigu, baqaha siigeeyey Waa siin Illaahay wuxuu, gaalku noo sidaye Ingiriis sidii loo galiyo, saxalka Iidoor ah Sanbab dooxaniyo xiidmo sayan, sabar wixii yiilay Saf dhanbaa la gawracay sidii, sadaqo Ciideede Cawar waxaa surkii lagaga jaray, sulub dharaareede Saddex aliflayaashaan gudnayn, sedatay naartiiye

Sumaciyo seefaha dabkiyo, saanadda aan taabnay Tagoo seediyaal kaga warama, suuqa iyo xeebta Ku sayaxa safkii Ferenji iyo, saaxirka kharaabay Ku salaama boqorkii adduun, seegid baw darane

Sucdigaynu leenahay haddaan, anigu suureeyey Sifadooda reer boqor haddaan, hadal kusii saydho Nimanyahow sokeeyeynu nahay, saxar la’aaneede Saalixiya diinteenu way, ina simaysaaye Samaan iyo kalgacal Eebbahay, wuu na kala siine Sayidkuna jeclaa idinka iyo, socotadiiniiye Soomaali hadalkeedu yuu, suruq inoo yeelin

Dulucda

Gabay uu Xuseen Dhiqle u tiriyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan isagoo safarka ka codsaday inuu sagootiyo lana dardaarmo

XD

Xuseen Dhiqle

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →