Geeraar Sare

DHURWAA ARIGA EEBBAA LEH

Tiriyey: Xuseen Dhiqle

Jeerkii xarunta Daraawiishtu deggenayd Ayl iyo Ilig meel bannaan ah oo la yiraahdo Galingaale ayaa dhawr gabdhood waxaa loo dhiibay ari tiro badan oo la damacsanaa in loo qeybsho niman madax Daraawiisheed ah. Dhurwaa horor ah ayaa gabdhihii mare iyo maakhad arigii uga waayeen. Gabadhii gabdhaha ariga ilaaliya madaxda u ahayd baa Xuseen Dhiqle oo raga Dariiqada ka taliya ka mid ahaa u timid markaasay ku tiri “Arigii waraabaannu uga taag la’nahay ee intaanu dhamayn miyaanay habboonayn in si uun loogu taliyo?” Xuseen isagoo ujeedadiisa weyni tahay in hadalkaasu faafo si wax looga qabto ayuu ku yiri gabadhii, “Dhurwaaga waxaad ku tiraahdaa:

Dhurwaa ariga Eebbaa leh Eebbiyo Astaakaa leh Oo niman dableeyaa leh Oo niman ku dili baa leh Waa niman Daraawiisha Gaaciyemataan baa leh Geeraarshihii baa leh Laba ilmo-Garaadbaa leh Cabduloo Suldaanaa leh Carab galacyo dheer baa leh Cumar dabagabooyaa leh Joofeey Jiriidh baa leh Inantii caddeyd ba leh Cawraladabey baa leh Suubbanaan samreyn baa leh Samawadoo ka daran baa leh Yaan gamas laguu qarine Gablamoow iskaga leexo!

Dulucda

Jeerkii xarunta Daraawiishtu deggenayd Ayl iyo Ilig meel bannaan ah oo la