Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday? Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay Badh baa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye Qaddarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey Ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan? Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile Tana qaata Naadaba rag bay, qaac u shidataaye
Xuseen Dhiqle oo gabaygan ku gaabinaya sheeko-xariir dugaag ah oo ku saabsan qaybinta caddaaladda ah, isagoo u ekeysiiyay xaaladdii Daraawiishta.