Gabay · Sare

Gabayadii Raage Ugaas Warfaa

Raage Ugaas

Tiriyey: Raage Ugaas ·

Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, alalad bay dhaafin Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

Dulucda

Gabay uu Raage Ugaas tiriyey ka dib laba qolo oo dagaal dhex maray

RU

Raage Ugaas

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →