Gabay · Sare

Geela

Raage Ugaas

Tiriyey: Raage Ugaas ·

Gugucdeeda arooryiyo Isku gaagixinteeda Away gooha wanaajaay Gurxankii habilaad?! Haddii giirku dareero Barqin loo ganbaraasho Adhina bowdka ku gaabto Guduudkeeda arooryo Indhaha waa gashinkoodee Away reera gobeeyaay Xeryihii ginginnaa?! Cirka oo geddawaamay Dayaxoo galka diidey Dhulka oo gasariiray Dhirta oo gabalkeed iyo Garaskiiba hadh waayay Caanahii gaasir noqdeen Iyadaa la gumriyoon Qareenkeeda gabayne Away geedaha laacaay Xunbadii gedfaneyd?! Gabxo daalalliyaad oo Gaasaar looga hayaamay Kolka waagu guduuto Koronkeeda la gaato Haddaan soo garbadduboo Ganka loo kabadeeyo Anbaalkii gudbanaa iyo Gantaalow udubkii Xadhko loogu guntaayoo In gaadanliyo dhiil iyo Garaddii waxartii iyo Gurboodkii yaryaraa iyo Gardhaalay nirigtii iyo Midka gaadha tolaayiyo Kan gamuunka duleeshiyo Gaallefay mindidii iyo Intaasaan guradiisa Gaarba gaar u dhigaa; Dhigihii godgodnaa iyo Lammadii gedfanayd, Haddii aan geb ku siiyoo, Xadhkihiisa u giijo Asaan heegga ka gooyo Galow buu u kacaayo Haddii wiilku gadh qaado Gurguurtow lama gaadhee, Away gaatamahii?!

Dulucda

Gabay uu Raage Ugaas ku qoray geela iyo xoolaha

RU

Raage Ugaas

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →