Gabay · Sare

Alleyl Dumay

Raage Ugaas

Tiriyey: Raage Ugaas ·

Alleyl dumay albaabbadoo la xidhay, uunkoo wada seexday Onkod yeedhay uugaamo roob, alif banaadiiq ah Iihdayda bixi baa libaax iman la moodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub-dhexaadkiiye Labadii wax laga eegi jiray waan ka awdnahaye Halkaan ‘aa’ ka leeyahay Illaah keliya uun baa og Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye Orod u ma hollado ooglihii adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taalle Aroos u ma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba kolkuu oomo waa olol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed aakhiro u hoyatay Oo aabbeheed aqal mid kale meel illin ah seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uur-ku-taallada e Ninkii ooridiisii rag kale loo igdhaan ahaye Ninkii ilo biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye Nin ugaas walaalkiis yahoo eeday baan ahaye Nin abkiis Ogaadeen yahoon aarsan baan ahaye Af-dhabaandhow aayar ah ninkaa aammusaan ahaye

Dulucda

A heartbreaking lament composed by Raage Ugaas after discovering his betrothed had been married off to another man. It is celebrated for its powerful imagery and emotional depth.

RU

Raage Ugaas

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →