Uma kiilo maansada siddii, xuud kalluunsada e Kasha muran kuyaaleey xikmadu, kilinkilaysaaye Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay odhan waayey Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasas loo tumo e Dusha iyo haddaan saari jiray, duuda guradeeda Daldalaadii horre haatan waa, inaan ka daayaaye Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye
Dulucda
Raage Ugaas oo ka hadlaya habka uu u tiro maansada, isagoo ku tilmaamaya sida uu u karsado gabayga oo uu u soo saaro.
Raage Ugaas
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →