In dhoweyd “Dha’dii” gabay ka tegey, dhehashadeediiye Hadba aniga oo dhaafay baa, laygu dhiriyaaye Markaasaan dhab baa loo hadlaa, dhagaxyo tuuraaye
Hashii aan dhibaato u marraye, dhididka loo saydhay Dhurwaagiyo libaaxuba Hashii, uu dhadhamin waayay Hashii dhiigga loo daadiyaan, ugu dhammaanaynay
Khalqiga u dhintiyo shalay Hashuu, dhaawac tirabbeeley Soomaal dadkuu dhalay Hashuu, aad u dhicinaayay Dheddig iyo laboodkaba Hashii, aan dhexdow xidhannay Dhuun-dhawrta naagaha Hashaan, laga dhaqaalaysan
Kanooniga Hashii loo dhex maray, dhegaha jeexaaya Baaruud dhacaysiyo Hashii, dhuxullo loo jiidhay Hashii dhiilladeedii gu’yaal, baxay dhawaaqeedu
Hashii dhawr quruumood kacdee, laysu keen dhaafay Xaq nimuu ka dhumay Eebbahay, waw dhoweyn jiraye Dhiif nagu gabowdiyo Hashii, dhirifku soo hooyey
Ma dhurmannin nimankaan lahaa, way u dhiidhiyiye Dharbaaxada gumeysiga ninkii, hoos u dhugan waaya Aan maanta dhaxalkiisa deyin, way la dheeliyiye
Dhoomaha kuwii nagu rartaye, dheegga naga saaray Nimankii na dhaansaday sidii, dhoocillada geela Dhulkayaga kuwii qaybsadaye, cunaye dheeftooda Aan shalay ka dhiidhiyey haddeer, yey dhergaan weliye Dhuun bay ku nuugeen waxaad, dhaqan lahaydeene Xaggee buu dhallaankiinnu qaban, loo dhadhamo diidye
Markii calanka dheer laga deldeley, daarta dhaladeeda Ma dhaqaaqin cadawgiiye wuu, dhuudayaa weliye Kaa dhoofi maayaan haddaan, dhaar la maqashiine
Dhan kaley ka soo weerareen, dhaqashadeenniiye Sida bahal raq dhawranaya oo, meel dhabbacanaaya Hadba dhinac gumeysigu ka yimi, idin dhagraayaaye
Dulucda
Gabay uu Cali Xuseen Xirsi tiriyey sanadihii 60-maadkii, kaga hadlayo sida gumeysigu uu albaabka ka baxay daaqadda uga soo galay si uu weli gacmaha ugula sii jiro dalalkii uu gumeysan jiray. Hashu waxay astaan u tahay dalka Soomaaliyeed oo la dhibaateynayo.
Cali Xuseen Xirsi
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →