Gabay · Sare

Fiin

Cali Xuseen Xirsi

Tiriyey: Cali Xuseen Xirsi ·

Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye Haddii aan laguu imanin waad, aammusi lahayde Maxaad aragtay waan kula qabaa, uurku taallada’e?

Waxay tidhi “Ilaahay haddaad, aad u garanayso Oo aad Islaam tahay iddaa, waan irdhaysnahaye.”

Waxaan idhi “Qofkii i abhiyaa, wuu ammaan heliye Ashahaadada iyo waan aqaan, aayaddii Nebiye Hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga In yar iiga sheeg waxaan rabaa, inan ogaadaaye.”

Waxay tidhi “Inkaar buu ku go’ay, odagi Soomaale Awlaaddi uu dhalayna waa, sida adoogoode Hadday ul iyo diirkeed yihiin, rag iska eegaaya Afrikadan ma joogeen nimaan, aabbe ku lahayne Ayax kuma dhaleen kaymihii, ubaxa weynaaye Anna aydii aan joogi jirey, kama abraareene.”

Waxaan idhi “Irdii nalaga qaad, aad ahaan jiraye Waataa la kala iibsadaan, nala ogeysiine Ooddaaba laga goynayaa, Idhankii Laasoode Meeshaad ilmaa dhigan lahayd, uun kalaa degaye.”

Waxay tidhi “Dhulyahow eheledaa, ma laha iimaane Ilaaleeyey oo dunida waa, ugu il liitaane Iyagaa ableyda isu sida iyo eebo xoog badane Intey Ayro kala qaadayaan, aarsan mahayaane.”

Waxay tidhi “Ilaahay hadduu, duul arrin u diido Oo uu Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane Qalbigii engegey waanaduu, orod ku dhaafaaye Goormaa inkaartani heshey ee, lagu alhuumeeyey?”

Waxaan idhi “Arbiyo laguma oga, geesi aynaba’e Iniinaha kelyaha iyo wadnaha, iini kaga taalle Aanada tolkood bawga roon, uumiyaa kale’e Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg na loo gooye.”

Dulucda

Gabay uu Cali Xuseen Xirsi kula waraysanayo shimbirta Fiinta oo uu arkay iyada oo aad u ooyaysa, ka ooyeyso dalkeedii la dhaxal wareejiyay 1954.

CX

Cali Xuseen Xirsi

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Cali Xuseen Xirsi