Gabay · Sare

Danab

Cali Xuseen Xirsi

Tiriyey: Cali Xuseen Xirsi ·

Markay calanka noo doonayeen, danabbadii dhaartay Daandaansigii maalintii, lays duqeynaayey Hanoolaatadii lagu dalbaday, daalinkaan eriney Diigaanyadii weerartaad, dixida mooddeysey Meydkii la daadshiyo kufriga, dooxatadu laysay Digti shalayto dubbihi laysla dhacay, dhiiggi dixanaayay Ninkii doobta laadlaadin jirey, daqarki loo geystey Dakanooyinkii laga gutiyo, godobti duugowdey Dunidaa ogeyd waxa ku dhacay, daalinkii shalaye Goortuu dirkiisa u cabsaday, dacar na loo qooshay Dirqi buu ku dhiibiyo xumaan, dawladnimadiiye Duhur buu ka tegey aqalladii, uu dakayn jiraye

Derbi adag docdaa waxa ka yaal, danina kaa hayso Duul wada socdaa waa ridaan, waana dumiyaane Dad is raacsan baa maalintii, diley waraabiiye

Dulucda

Gabay ku saabsan xoogga midnimada iyo wadajirka. Cali Xuseen wuxuu ku daliishanayaa guusha gobanimada oo saldhig u ah midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu leeyahay derbi adag waxa ka yaal danina kaa hayso, duul wada socdaa waa ridaan waana dumiyaane.

CX

Cali Xuseen Xirsi

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Cali Xuseen Xirsi