Naftan uubataynaysa Ee kugu ag meeraysa Qalbi baa af duubaaya Addimadaa ku soo doonta, Indhahaa ku eeg eega Aragaaga xiiseeya Wadnahaa abuuraaya Caashaqa iniintiisa unugyada ku beeraaya, Inkastood irdhaynayso Ama aad ilaaqayso Ikhtiyaar naftii laashay Kaa ooli kari weyday. Anna ulasho deyn maayo Adna digasho waa kuu ul, Aniguna ilbixi maayo Adiguna arxami maysid, Anna aamusnaan maayo Adna erey-san kaa waayey, Anna ubaxyo kuu keenay Adna odaxda ii dhiibtay. Ma adoo qudhaa uuman Ma adoo qudhaa aawan Dadka kale ka maan awran? Amran oo karaamaysan? Aynigaa ka muuq fiican? Mise waa ishaartayda Ahlantiyo Salaantayda Weedhaha Ammaantayda Iyo eemamayntayda Waxan ururka kuu qaaday Kaa dhigay ilays kaahay. Haddii aanan kuu eexan Asaagaa ka soo leexan Ama aanan kuu iilan Arwaaxdayda kugu deeqin Ama aanan kuu oommin Ama aanan kuu ooyin Ama Uurka kuu saafin Ama erey-san kuu soocin Ixtiraam ku siinaynin Waad ii ilmayn layde Aadmigu wuxuu haysto Ma arkoo ma aabeeyo Mana oga ma weyneeyo
Dulucda
Gabab jacayl oo uu Xasan Daahir Ismaaciil 'Weedhsame' ku qeexayo caashaqa iyo dareenka qoto dheer. Wuxuu isticmaalayaa qaafiyad ku salaysan shaqallada.
Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →