Ha Derderin Carrada! Haw dayrin naftayda! Hay dhigin daleel nacab! Duufaan jacayl iyo Wahsi haygu dayrin! Duulkaan la habaabiyo Da’day hayga reebine! Oo doqonka reeride, Nabsi hayga doonnine! Ha derderin carrada, ha duulin! Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog! Dalka lama nebcaadee, Dibedaha lamaba jeclaadee. Doofaarka ficil li’i baa Dabka loogu ridayaa, Daa’imo carruurtuna Inay ficilka garatee, Aniguna ku doortoo Kuma dayn karaayee, Nacas duunyo haystiyo Qoqon hayga raacine! Ha derderin carrada, ha duulin! Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog! Dalka lama nebcaadee, Dibedaha lamaba jeclaadee. Aniguba daraaddaa Dibedaha wareegoo, Dadku wayla yaabuu Doqon ii maleeyee, Qalbigii ku doortaa Nabarkii damqanayaa, Dumar haygu noqonnine, Waa in aad dadaashaa!
Dulucda
Gabab uu Xasan Daahir Ismaaciil 'Weedhsame' kugu boorrinayo inaan laga tagin dalka. Wuxuu ka hadlayaa muhiimada joogista dalka iyo dhaqanka.
Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →