Ifkay gogoshiisu hawl tay Ogow galab noolba waa shil. Ma oge taladii u goostay Ma oga gurigay furayso Galiilyada moog dambaysa. Naftana hunguraa gadh qaada Cakuye damacaa ku guura, Haddana godobtiyo lurkeeda Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda Ogow garashaa u qoollan. Wedkana gamaskii ma iisho Gaashaan celiyaa ma baajo Ishaa gibidheed ma daaho Qofnaba gabbalkii ma waaro Wax aan hubo geeri kow dheh. Taniyo anigoo gurguurta Ilaa maantoo gadh leeyey War geediya oo i qooma Geddaafo wacaal xambaarsan Dhegtaydu maxay guddoontay? Intaan tebay gaan la waayey Maxaan murugada la goohay Barbaartii iga gablooshay Kuwaan guruxyada u beelay? Markaan godobtooda raadshay Gunaadiyo ciil gadhoodhay Miyaan gocashada ku qoomay? Bad gawliyo gacanka xeebta Miyaan gooddiyey guhaadshay Gartayda miyaan bilaabay? ‘Haddaad maxastayda gawrac Badyahay kaga gooban weyday Inaad bir ma geydadayda Sidaa u gashaa gar maaha. Alleylehe waad gumowday! Geshaan kugu leeyey qaana Gar qaado ha soo gignaane Ilaah naaraha ku geeye Adaa gadhmadoobahayga Haweenkiyo gaaridayda Ku gaasira meel go’doon ah. Gudhoo galabtaba abaadso Biyuhu gororoo ku gawdhshe Gawaan noqo meel garoon ah Dhul geeddigu galab carraabo.’ Intay guuxday gigleysay Hirkiyo doobtay garaacday Waxay tidhi ‘Guurowgaagu Gefiyo waa igu geddaafo Ma geyo godobtaad i saartay Aweytida aad ganayso Miyaan galabsaday? Bal kaadso! Adoo geyigaagu liito Hadduu sahankaagu gaabsho Hadduu samirkaagu guuro Qaneecaadkuna gabnoobo Quustoo kugu geylamaysa Garaad hirilaa ka seexdo Miyaan geerida shinkeeda Horteed geedigu ku geynin? Hablaha guday ee tahriibay Hir gaatamayaa idleeyey Geed ay cuskadaanna waayey Markii gacal baajin waayey Shariidku miyuu gasiintay? Intuu saxaruhu go’doonshay Halyey lagu giirtay fiicni Intee xabsi lagu gumeeyey Gashaantimo wada Quraysh ah Intee guuleed tisqaaday Raqdiisii haad ku goohay Dhashii guuluhu ku siiyey Dugaagu muxuu ku guusay? Markuu huudhigu geddoomay Markay goglanayd barbaartu Kalluunku miyuu galiilyo Ilmada ciil gabbax ka siiyey? Tiiyoo xeebaha goshooda Meydkeenii galangalcoobay Miyaad garan weyday? Kaadso! Xasuuqa tahriibku geysto Gummaadiyo geeri foolxun Hooyooyinka weerka goostay Shilkani kugu gaaf wareegay Waxuun baa laga guntaaye. Miyeydaan kaba gaboobin? Gu’goo da’ay oo gadooday Gudgude soo galab-carraabay Markay galawgiyo jugleydu Ka yuusaan gelida kaynta Miyaan garashadu dhigaynin Dasada gibillada ku giiji? Geel iyo geesley lo’daada Halkii gelmi iyo dugaag le Gelgelin gawsaha hungaysa Miyaan garashadu dhigaynin Inaad waaberi ka guurto? Adoo gurigaagi iibshay Haddaad gabankiina weydo Adoo geboggebo u yaala Haddaad dhiillada guddoonto Wedkaad gini siisataaye Haddaad geerida la jaarto Hadduu maalkaagu gooyo Intuu aadmigu ka giigay Kolay waa galabsigaaye! Maxaad gocashada ka toosin?’ Garwaaqsaday inan taraaray Guddoon xaal idhi bal qaado. Sareedadu may guddeene Barbaartuna may go’deene Badweyn iskuma gureene. Xil baan gubin kaad u dhiibtay Xal muu garan aayatiinle Xaq muu gudin aad sugaysay Halkaad u golleyd ma geynin Hayaankiyo geedigaaga Guubaabana wuu ka seexday Inuu galab nool tibaaxo. Guulguulka naftaa ku oogan Dhallaankani sii gurmaaya Hankaa laga wada gumaystay Buug guunaa yidhi ma gaadhid Halkuu aadmigu u guuray Rajada gibil baa ka saaran Runtana waa laga go’doonshay Gabnaad tahay baa asqaysay Gufaacaa lagu faruuray Kalsoonida gabaggabaysay. Qof baad tahay guul abuura Qof baad tahay guri yagleela Qof baad tahay gaar ahaantaa Ku gaajo baxoo is keena Gankaa kuma dheera caaro Aqoontaaduna ma gaabna Ma gaaggixin aayahaagu Dadkaaguna kuma giriifin Dalkaagan kama go’aysid Galbeed Yurub kuuma yeedhin Giriigguna kuuma baahna Gob baad tahay moog inteeda. Adiga geyigaagu waa kan. Gargaara faray ka hoogtay. Ku eeg gabargaal hortaada U fiirso bal goonyahaaga Gadaashaadana bal dheeho Dhallaan baa kugu gedaaman Gidaarrada dhaxanta jiifa Garaadkaagaa u hiila Qabyaa kugu gaafwareegsan Hortaa aan cidi gufaynin Xil baa guudkaaga saaran Ka weyn goosoo dhaqaaji.

Dulucda

Gabab dheer oo uu Xasan Daahir Ismaaciil 'Weedhsame' ku qeexayo galiilyada nolosha, jacaylka, iyo waayaha. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'G' oo ah qaafiyadda guud.

XD

Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame