Ma salguuro caashaqe, Ani sibiq ma igu yidhi? Intuu samada ila tegey Saxar-qaadka fooraha “Dul-sabbee!” ma igu yidhi? Dhalanteed ma igu sabay? Soojeede maqan oon Seexannayn ma iga dhigey? Ma salguuro caashaqe, Ani sahal ma igu heley? Intuu soortii iga jaray Suun adag ma igu xidhey, Ma i saaray heegada? Wax sanceeya ma u la’ay Saaka maygu weynyahay? Suxullada ma ii dhigey? Ma salguuro caashaqe, Ani salow ma igu ridey? Sambabbadiyo feedhaha Intuu surimmo kala baxay Ma ku soofay xididdada? Seediyo lafaha iyo Wadnihii ma sarayoo, Halistii ma suranyahay?
Dulucda
Gabay jacayl ah oo Hadraawi ku qoray caashaqa iyo calaacalaha
MI
Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →
Gabayo kale — Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi