Gabay · Dhexdhexaad

Maansadii Amal

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Tiriyey: Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ·

Dadku kala ayaan roon Ama kala aqoon dheer Ama kala asluub weyn Haddaan eed la doonayn Ama deeq Ilaahay Asaraar ka taagnayn

Dadku eexo kaa gelin Inan yahay la’aantaa Dumar lama abuureen Gabadh lama ammaaneen Jacayl looma ooyeen.

Geed beer udgoon iyo Ku dhex-yaal ugbaadoo Ubax iyo man fuulaay Ulihii madheedhkee Iimey ku yaalliyo Ilo wada xareedoo Nafta lagu illaawaay Dayaxoo iftiimoo Arladoo dhan gadhoo Afar iyo tobnaadaay. Qorraxdoo aroortii Dhulka soo abbaartoo Sagal iid dhex joogtaay

Waxaad tahay adduunyada Dhexda udubka haystoo Xejiyoo adkeeyoo Af-gobaadsan maayoo Qurux lama amaahdee Ashkir geenyo ugubeey. Adhaxdiyo laf-dhabartiyo Sanbabbada agtoodiyo Ililaha halbowlaha Eebaa ku mudanoo Arrintii cuslaatoo Naftu aammusnaantii Iimaansan weydoo, Amaleey jacaylkii Soo dhaafyey uurkoo Afku haysan waayoo Goortaan ogaadee

Arammidu dillaacdaan Ooddii ka leexshee Axdi jaba abaal luma

Kaa eegi maayee Igadh iyo maqaarkeed Innagoo ahaannaan Hadalkii ku ururshee Adiguna dheh aammiin

Dulucda

Maanso jacayl oo Hadraawi u tiriyey gabadh la yidhaahdo Amal

MI

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →