Gabay · Sare

Maansada Barabaraale

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Tiriyey: Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ·

Iyadoon bartiro jirin Wax la yidhi lixlaha biig Haddii Baashe lagu dilo Marka qaybta laga baxo Boolaynta laga dhigo Shaxda booli-tuugiyo Sharci boob ah lagu wado Afar turub nin barashada Ka bogtaa ku gacan gala Baandheeyaa weligii Wax ku beela qaabkaas Waxa adag ka bowsadey Isagaana badin kara

Shaashowdey bilicdii Ban martoo la garan waa Badhxantoo la maydhaan Waxa lagu balllaysimay Indho buuryo-goyseed.

Buurrantu muuniyo Barkhad kaydsan maahee Barar taws ah weeyaan Bugtadiyo xanuunkuna Haddaan baadhay waa ciil

Bahalow shabeelow Hooy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Beri waxaan ogsoonaa Adigoon ka soo bixin Casha boholaheedoo Dhirta baaxad-weynta ah Baarkeeda seexdee Maqlay inad bannaanniyo Timi badhaha hawdkoo Bulbullow libaaxii Boqortooyadiisii Duhur ugu badheedhoo Burjigii ka furatoo Bili qaadi weydee Beelahanagtaadaan Kaa soo bariidshoo Budulkay la soo galay Barkintaad ku jiiftee Waxba baadi xoolaad Beryahaas ma kulanteen?

Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Beri waxan ogsoonaa Adigoo baruurtiyo Cunin bulad Ammaankoo Riyahaaga baadhee Bishan iyo bisheedii Boqol iyo lag baa maqan Wanankii Ba-Ceeblee Badhi iyo leg goormaa Boholyowgu kuu galay? Balse waxa la yaab dhalay Nin barwaaqo haystoo Ka engegan badhaadhee Bishmahaagu Caarrow Maxay kuu basaaseen Ma buskaad is-marisaa?

Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Dadka baylahdiisiyo Baloolleyda tebiska ah Koromada berdaa-le’eg Iyo dibida beyga leh Barbarriiji weligaa Tarab tarab u boqol goo Isku biirso liqanyada Isku baano yeelkaa Balse waxa la yaab dhalay Barta aad ku qalatiyo Baradaaada caydha ah Raqi kama cidhaantee Ma laftaad burbursaa.

Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Badda iyo nafleydii Balliyada ku noolayd Bogan waaye jiifkoo Wadnahaa babbanayoo Beerkaa legdamayee Xaggay bayr ka yeesheen Biyahana ma joogtaa?

Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Maxaa haadda buubtiyo Baqayaha daruuraha Balwadiisu noqoteen Wax la baratamaa jirin Ama booddo lagu qaban Baqdintaada awgeed Bogga uga qadhqadhayaan Miyaad baalal leedahay?

Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Bari iyo Galbeedow Haddaad baahdey aashaa Qalwo bogox ku leedahay Bidixdana ku furan tahay Midigntana badhkaa yaal Nin boqol ku tala-galay Dhankee kaaga baydhaa? Dhinaceed u badan tahay? Barbarkee ka maqan tahay?

Bismillaahi yaahuu-

Degelyohow barkuma-taal Bulsho waxay ku leedahay Bisiq iyo xangeyiyo Banji iyo dharkayniyo Bilcilkaaga hawliyo Dhirta boocda mooyee Tolow baad la daaqiyo Miyaan cawsna kaa bixin?

Degelyoho barkuma-taal Bulsho waxay ku leedahay Beertaadu hoog iyo Bacad iyo habaas iyo Bacow iyo qaniin iyo Badso io shirqool iyo Burso iyo khiyaaniyo Beeraadka samihiyo U buseelka godobtiyio Boqon goynta nabaddiyo Booraanta jarankiyo Boholaha asaydiyo Cabsi iyo ma been baa? Biyaheedu dhiig iyo Xinjir bururinteediyo Ma baroorta dumarkaa?

Balka iyo sabuulkuna Ma banbaane ololiyo Waran iyo billaawiyo Baaruudda huguntiyo Birta lagu idlaadaa?

Baaq baaqu daab iyo Bishil iyo ma soofaa? Waxa lagu bislaystiyo Badarkeedu dhimashiyo Baga iyo ku digashiyo Ma busaarad dhegalaa?

Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Beryahaagan ka horow Bahda habar-dugaag yahay Marka ay biciidkiyo Koran buuran loogtaan Inta boodhku qariyaa Waxba yay badhkoodiyo Helin bawdo hiliblee Kolay biixii ruugaan Marka biidhi-qaatiyo Qawluhu is-boobaan mid afkii ka buux samay wax ka bililiqaystaan badanaa ma qadi jirin raqda baallaheediyo badka kama maqnaan jirin saw tan Buulalleydii ku bakhtiday ag-taadii.

Burrusow Dameerow Biyo ceel ma keenow Hadba dhaan ku biirow Beelaha aroorka ah Iska daba boqoolow Bulsho waxay ku leedahay Geela baadi soocdiyo Sumaddiyo birqaabka leh Boodaanta wada xidhan Meeyey baarqabkiisii Baqal looma tu’iyee Yaa baacso kugu yidhi?

Dulucda

Maanso uu Hadraawi ku tilmaamayo Barabaraale iyo deegaanka

MI

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →