Gabay · Sare

Jacayl Dhiig Ma Lagu Qoray

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Tiriyey: Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ·

Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen Weli laba is dhaarsaday Beryo dhacan nasiib iyo Dhul ku kala cillaalaa Subax dharabku kowsadey Dhedaduna cuddoon tahay Cidla aan dhir mooyee Wax dhaqaaqayaa jirin Jabaq maysku dhaadeen

Kulankii dhabta ahaa Riyo dhiifi keentiyo Dhalanteed ma moodeen Sida ay dhadhabayaan Dhawr jeer ma seleleen Af dhabaan dhab jamashada Ma ka dhoofay hadalkiii Bal dhaqaaq na kay tahay Dhihidii ma waayeen Ma ka dhabaqday xaajadu Ilma dhalatay xiisuhu Sida dhibic ma hiigaan Ma ka qubatay dhaayaha Ma ku qoyey dharkoodii Naxariis ma dhidideen Iyagoo dhanqalankii Dheel dheelli mooyee Dhegna aanay kaga jirin Kolba erey dhex roorkiyo Dhumucdii ka maqantahay Dhitinaaye keligii Ka dib tooban dharaarood Carrabkiyo dhanxanagii Dhirindhirid ma ku heleen Laba guul u dhalatoo Isu dhiganta weeyee Dabadeed dhabeeshii Hanadkii ku dheeraa Dhudi mays bariidsheen Dhubbad qaadka sheekada Qofba dhagarta caashaqa Wixii dhaaxo soo maray Ma dhex galay kalkiisii Ma akhriyey dhambaalkii Warka maysu dhiibeen

Kalgacayl dhito ahaa Dhamac iyo dab huriyeen Dhuxuliyo ladh soo kacay Hadba dhoon ma buuxsheen Kolba dhacan ma jiideen Dhacdadiyo u jeedada Qofba dhaadashada guud Qofka kale dhankiisii Inaan looga soo dhicin Ma ku dhaabadeeyeen Sannad mays dhegeysteen Ma dhalaalay waagii Dhag ma tidhi cadceedii Intay soo dhaqaaqeen Iyagoon ka dheeraan Dhaqankiyo xishoodkii Dhaymana u jeel qaba Iyadoo dhexdoodii Dhulka suxul banana yahay Dhibta maysla taageen Wax intaa ka sii dhow Ma ku dhiiran waayeen Dhayal laysu taabtiyo Dhallinyaro habkeedii Ma ka dhega adaygeen Dhadhansiga miliilica Isha mayska dhawreen Dhabbaday is taageen Qofba dhaabaddiisii Sara joog dhankiisii Kun habeen ma dherernaa Dhudhummada aboorkii Dhulka hoose kaga baxay Dhilashada jidhkoodii Ma dhanbalay sartii guud Ma dhammeeyey hilibkii Xidididada ma dhaawacay Ma u dhaafay seedaha Lafta hoose maw dhacay Dhiilluu ku geliyaa Ama waad dhalliishaa Dhagartiyo wedkaagee Dhimashada kal iyo laab Ma ku soo dhaweeyeen Dhoollaha ma ka qosleen Ubax dheelka subaxdii Naxariis ku dhaashtoo Afka dhiin cas mariyoo Dhaddigiyo labkisii Laba dhude isugu maran Ma is dhaafsadeenoo Dhaxal maysu siiyeen Dhuuni kawlka caashaqa Maysu sii dhadhamiyeen Ereygii dhinaa hadal Dhegta maysu saareen Dhafan dhaaf aboorkii Ma dhufsaday cammuudii Ma u qaatay dhoobada Dhab-dhabkiyo kabkabidii Labadaba ma dhalan rogey Dhismo kale ma soo baxay Ma ka dhigay wax yaabliyo Dudun dherer ku caanoo Dhumuc iyo laxaad weyn Dhalan dhoolka maantii Dadku dhacarta jiilaal Ma dhasaday dharaartii Ma ka dheelmay galabtii Iyadoon la dhaadayn Sheekada dhabteediyo Dhabar weyntan hooska leh In dhexdeeda laba ruux Runta kaga dhur sugayaan Haddaan laysu dhamanayn Nafta laysu dhiibayn Ama dhaxal tis qaadiyo Dhismo aqal la taagiyo Ubad iyo dhaqaaliyo Dhaqan reer la kala sugin Dhunkashiyo u jeedadu Tahay dhaayo guudkood Waabay la dhabaqsado Dhereg iyo markaas qudha Ama sida dhurwaayada Hilbo gabadh dheg roonoo Higlo loogu dhuuntoo Dhakhso loogu kala baxo Ninba waxa dhabbacashada Dabinkiisa ugu dhaca Dhidar iyo xabaashii Sharaf lagu dhabcaaliyo Dhawrsooni laga tegey Dhalanteedka beenta ah Bulshadaa u dhaawacan Hab jacayl u dhaqan galo Ma holladay ka ugu dheer Maamuusna ugu dhow Mise weli wax baa dhiman

Dulucda

Gabay jacayl ah oo caan ah oo uu Hadraawi ku qoray caashaqa iyo dhabannada jacaylka

MI

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →