Dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede Nin xaqiina meel hoose dhigay tiisu waa dhedo’e Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye Kkol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye Sida Dhooddi-meerkii taleex haw dhaqaaqina e Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura e Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo Dhanka eebbahay xiga adduun wayska dhalanteede
Dulucda
Gabay uu Hadraawi ku tilmaamayo dhamaca iyo xaqa
MI
Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →
Gabayo kale — Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi