Ooshu waa halkeedii Cirku waa engeganyahay Naxariisi kama iman Dhulku waa arradanyahay Oogadiisu damac ma leh Waa abaar dad qalata ah Waa sabaan la adhax jabay Ma aloosna geedihi Afti baana sii taal Dadna waa ogsoonaa Anna baanahaygii Ku adkaysan waayee Sow iimahaygiyo Alabkayga lama baran Olol-reenka hibashada Uugaanka baxayaa Ma naftii asqawdaa Mar labaad arrumisoo Agabtii xidhxidhatoo Awrkeedu raranyahay Ma awaalihiibaa? Asmadiyo xanuunkiyo Aynfaadku saarraa Ma abaabulkii baa? Oohowda waallaa Ma dabkaan afuufee Aasee bakhtiiyaa Ololkiisu baxayaa? Kalgacaylku aafiyo Urugiyo dhib badanaa Kasha nugul ka adagaa Soo aarey nabarkii Ma alwadey sidii geel Edeg madhan ma deydeyey Sida bahal ma oogsadey Ma illaday kabtii jaan Ma ku jiitey awdalan Ma arooryadii baa? Waabayda udugga leh Idan laygu shidi jirey Abbaartayda saakana Ma adeeridii baa? Sidaan aar libaax ahay Araggaygu didin jirey Arraweelo dumareey Arrimaha dhexdeenna ah Asaraari maayee Igu tidhi “ha ii iman” Anna waan hubaayoo Inaan uurka kaa jaro Afar iyo shan goor baan Axdi kuugu qaadoo Misna oofin waayee Isma ogiye goormaan Tolow aqalka soo galay? Ma naftii ku eeddeed Obocdeeda karisee Ishu kaaga fagantaan Usha kaaga reebaan Igdhayee sabaayee Uubaale geeyeen Meelaanay kaa arag Ku ilaalinaayaa Soo jiidhay ooddii Ma adaahidii baa? Addinkaaga hoos taal Aburkiyo xarraankiyo Orka iyo mashxaraddiyo Alalaaska baxayaa Ma ujeeddadaasaa? Ma addoonsigeeda? Ajar kuugu suganyahay? Arxanlaay karkabadiyo Araggaygu murugiyo Yaanu umal ku saaqoo Anfariir ku geliyiyo Kugu noqon af kala qaad Arrintayda gabadhyahay Nin ambaday ka soo qaad Naftan oonku shidayee Deyn weydey ololkaa Amankaaga dhalisee Abhin iyo tusaaliyo Ergo waaya hadashiyo Imisaan karaankay La cuskaday aqoontaa? Ma waxaanan odhannoon Ka illaawey baa jira? Hadday diiddey amarkii Ka irdhowdey taladii Oggolaatay dala’siga Eelka maanigaa dhigay? Indhahaagu kululaa Eebadaadu toganaa Warmahaagu adagaa Arammida ku haysiyo Aanadaadu weynaa Yaad ka aarsanaysaa Ma nin aabbahaa diley? Nin astaamahaagiyo Quruxdaada oog iyo Ubax dharan ku sheegoo Ammaantaada koobaa Eed beeli waayee Erey tuurleh ruuxii Afka kaa yidhaahdiyo Utun nimaad ku leedahay Waa maxay abaalkii? Sow ma tihid ilayskiyo Iidaanka noloshiyo Iimaanka lahashada Sidaan kaaga oollaa? Immisaan ku jiri baaq Heestii ukulidiyo Cabashiyo abla-ablayn? Xeerkii Islaamkiyo Wixii Eebbahay faray Olloggayga godobtiyo Aanfada ka doortoow Aabi loo badheedhiyo Ansax maaha digashadu Yaan inkaari kugu dhicin Ashqaraarka kibirkiyo Yaanay iiddu kula tegin Ha ku tuman aleelaha Ha af-duubin xaajada Isirkeeda doon-doon Ka ummuli tusaalaha Alif macallin weydii Bal abuurta dunidiyo Shalay iyo awaasheed Aashaa dib ugu noqo Bal oddoros hilaadaha Bal malee wax iman kara Berritiyo ayaamaha Ifafaale daymood Bal iskaa ka sheekee Wixi aadmi soo maray Taariikhda uur baadh Ugub maaha jamashadu Ma ishaaran keligey Kalgacaylku waa oday Asalkiisu waa geed Ab abkii lammaanaa Nabar oof wareemuu La abloobo mooyee Abidkii ma qaran-jabo Gabadhyahay addduunyada Waxaa loo agaasimay Aayatiinka dhaqashada Agan maaha gamashiday Ma idlaan hankeedii Gabno ibo kuryowdoo Ablo lagala quustoo Maaha laga inaabsaday Weli way irmaan tahay Waa aroos toddoba baxay Oori weeye qurux badan Waa ammaano dhaxal-gala Aayadaa ka soo degey Rabbi baa aqoolkiyo Abyiddeeda labadaba Ka afeeftay beri hore Duminteeda ma oggola Haddaad siibto udubbada Soo dhaafto Alamtara Miyaan eedda keligaa Cidi kuugu imanayn? Maadigaa awoodda leh Taladiyo ummuuruhu Ma sidaad u aragtaa? Ma Illaahay baan jirin Ula-jeeddadaydii Arar baan ku lumiyoo Warka waan agmarayoo Irbad baan ku qalayee Uus-miirka dulucdiyo Amba-qaadka geeddiga Waxaan guurti ku egmadey Hadalkana ku urursaday Irrid waliba kuu furan Haddaan iisho gabadhyahay Marna waa ayaankaa Marna waa itaalkaa Sheekadayda iibgee Aahdayda faallee Arladoo dhan gaadhsii Unuunkaygu waa hibo Kuma haysto aakhiro
Dulucda
Maanso uu Hadraawi kaga hadlayo Carraweelo iyo xidhiidhka ragga iyo dumarka
Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →