Nimuu qaamudkiisii galayoo, qalinka loo duugay Jeeruu qarfooluhu nin weyn, qadada weydaarsho Waa qaafil jeer ay indhuhu, qac u yidhaahdaane
Qabkii weli ma dhigin Ciise Dhamal, laysku qoonsadaye Waa waxay qarqoor leeyihiin, waxaan qoyaamayne Haddaan nabadda loo wada qastiyin, wayska qiil jabane Waataa ragii qoomanaa, qaar xabaal yahaye Goor maad run uga qaadateen, qaan yaraa dirirku? Qabbi hadalka lagu laankalaan, qaar ka saamixiye Waa lagu qiyaamaynayaa, Arabka qaarow ‘e
Bal qilaafka daya geeddigaa, idin qaddaacaaya Qayrada xagee lagu wadaa, qadow ka meeraysa Qaandhaawahoodii maxaa, qoriga loo siistay Qaalmaha rasaatii maxaa, loogu wada quudhay
Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo
Qiyaamada kobtaa daahir ah, aan qun ugu soo jeedo Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane Ma anaa miniyo lay qarshaa, laygu qali doono
Qaafada Ismaaciil Jibriil, qoonka Sacad Muuse Awalkaannu qaadhaanka guud, qeyb wadaag noqone Qaaliga Albaasaan ka dhigi, qaadhka naylaha’e
Qajajuu ha dilo geelayaga, qululka dayreede Qooriga Afmeer iyo Siigodan, qodax ladii Tuurta Qar waraabe iyo goob intay, karintu qoynaysay
Qool Caday iyo Laan Dheer halkay, qun uga soofaysay Ka qammaadnay goolkiyo wankii, qarada weynaaye Qolqolkaan isaga muuqaniyo, qayd la wada ooto
Qadhiidhka iyo daankaanu nahay, qaranka Guuleede Inaan haatan kala qaadanaa, Qaadir soo rogaye Qatadeenii kala laasanay iyo, qulufkii shaydaane Waaryaadha kala quusanaye, qoomamo la’aada
Dulucda
Gabay uu Faarax Nuur ku digayo colaadda dhex martay Arab iyo Ciidagale, isagoo muujinaya qoomammo iyo caqli celin. Qof kastaa waa inuu ka fikiraa cawaaqibta colaadda.
Faarax Nuur
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →