Ingiriis Axmaariyo Talyan, wey akeekimiye Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone Anse ila ah Aakhiru Sabaan, iligyadiisiiye
Orgigaa riyaha taadaxoo, oodda faaliga e Waa duni hablihii loo ogaa, aqalka diideene Anse ila ah Aakhiru Sabaan, iligyadiisiiye
Waa duni la kala iibsadayoon, nala ogeysiine Waa duni akhyaartii go’dayoo, aaran soo hadhaye Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye
Waa duni xaqii la arkayaa, la arjumayaaye Waa duni akhyaartii lahayd, iib ku doon tahaye Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye
Afka iyo adduunkaa hadloo, awdan sadarkiiye Ninka gacanta midig oodan tahay, laga ilroonaaye Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye
Nimanyahow bal daya xaajada, lala aguugaayo Odayaashan loo yeedhay ee, la anfac siinaayo Asxaabihii bayna yidhi, gaal ha aaminine
Haddaad niman Islaamiyo tihiin, Aadan faracdiisa Oo aydnaan Ilaahay ka go’in, hayna oodina’e Hadduu awrka dooxada ku furo, eel kalaa xigiye Inaga daaya yaynaan ku dhicin, bahal afkiisiiye
Dulucda
Gabay waddani ah oo uu Faarax Nuur Soomaalida kula hadlay kuna dareensiiyey gaalka, gumaysiga, iyo sidii ay Soomaalidu u kala iibsatay dalalkooda.
Faarax Nuur
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →