Warfaa Suldaan wuxuu yidhi: Nabsi gudaya Geydhoow la arag, goor la joogaba e Guryahaaba lays daba degaa, gu’ iyo jiilaale Halkuu galo guddoonbaa u dhacay, gaama-ruugyada e
Gunta kibirtay waagii horaa, laga gol roonaaye Inuu Arab garmaamiyo dagaal, gelinba cayn keeno Iyo inaan geddaydii sankiyo, dhegaha qaar gooyo
Rabboow gaalku muu noo fasax,o guga waxaan yeelo Guulade iyo Guuleed Suldaan, geesan kala roone Goodbuu ku dhaqay aabbahay, gaanbiyoow farase
Gadhkaagiyo gadhkiisaa sinnaa, Goodiryahow xumiyi Gal billaawe iyo baad toshaa, galka weysada e Ganbo lama shaqaystee rugtaa, ginigu noo yaalle
Faarax Nuur wuxuu u jawaabay: Abtirsiinadiinnii guray oo, waa gudboonnahaye Hadii godobtayada uumiyaha, geedo loo mariyey Anna maan gufaacada ridoon, gaaddanka u reebo
Gildhigaanka maan liifaddiyo, geliyo baaruudda Wixii naga gardaran jeedal maan, gawda kaga saaro Kob lagu giirtay meel lagu go’ay oy, Geydho ololayso
Gammaankana dhacsiga layska wado, labada geesoodba Gorgorkuna hilbaha boobayoo, guruxa soo saaray Weli Arab garmaamaha dagaal, gucummo Aar yeeshay
Oo geylamaayaadan arag, goob awaara lehe Waxaadse garan gorgor baad tahee, guud-caddaadiga e Gal billaawe iyo waan tolaa, galka weysada e
Labaduba garaad-laawe yahow, waa gob shuqulkeede Guunyadu haddii ay baxdo oo, gugu abaaroobo Gurboodkaan dhaliyo naagahaan, gego ku deeqaaye
Shir guddiya haddii reer tolkay, gaar isugu meero Aniga iyo toban loo gartaybaa, guurtidaw baxa e Oo weliba geeraarka iyo, gabaygu ii dheere Halkuu nacasku iga gaabiyaan, garan aqoon waayey
Sidii roob intuu gaax tirsaday, guban ka soo hooray Ama gaaladii Beerdhiga oo, geydh u diriraysa Ama Ramad nirgii laga guroo, gubayo oon hayso
Ama Siig dab lala gaadayoo, geli ku rooraaya Ama Aar intuu goonji cunay, gelaya hawdkiisa Ama Micis godkii lagu shidoo, gebi ka yeedhaysa
Ma gam’ee habeenkii hurdada, gawdu waa aniye Gadhka malawle Gawdh iyo Tayaag, gurada Xaabaale Gabaahiirtii duudkeeda weyn, sii galgalanaysey
Gumburkii Abaarso iyo Wadne iyo, guban intii eegta Galgalaha Jaleelo iyo Hallaye, Gaafka Dararweyne Guntiga Shiisha meesha iyo Guguc, gacan Dhariiryaale
Halka dhamasku hoos ugu go’o iyo, harada gaagaabaan Niman baa gadaaman oo intaa, gaadh ku meersadaye Guga dhaw ha laga soo raree, qaalimmo u geeya Haddii kalese goolaaftankiyo, guuxa naga daaya
Faarax mar labaad: Gal-dad-liqa ul baa lagu dayaa, laga danbeeyaaye Weligiinba ceel dawlis leh yaad, dalaq tidhaahdaane Dubbo lagu mergado Reer Aftaag, waa dig siin jiraye Dirkii kula dhashiyo aabahaa, kuguma daayeene Malaha mid uu Warfaa dayriyey oo, daahan baa tahaye Aarkii daboolaan ahay oon, dibbedda joogayne Duddada geela wiilkaan sidii, dawri kala boodi Ama dooy yaxaas uga dhacaa, waa dad aakhiro e
Dulucda
Gabay dood ah oo dhex maray Faarax Nuur iyo Warfaa Suldaan oo Ciidagale ah. Faarax wuxuu uga jawaabayaa gabay Warfaa Suldaan oo ku maagayay Arab.
Faarax Nuur
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →