Dadku inuu samraan moodayee waa sidii weliye Saaciisu nimuu buuxsamoo sahayda loo qaaday Inuu socodka hore raacayaa waa sal la hubaaye Nafta saacad iyo wiig ka hadhay loo sal-dhigi waaye Saqda dhexe Siyaaxay haddii weerar lagu saydhay Siddeed kadin haddii lala tagooy siigo kor u duusho Sargedaha haddii lagala dhacay sararta guudkeeda Markay gabanta yari saydhantay eddegga siiceysey Suubeey raggii maali jirey soo sawaxan yeedhye Saqla orodka goortaa qalbigu naga silloonaaye Maarraha sannaadhiyo kolkuu sumucu qiiqaabay Ee siidhigii nala dalbaday sawjar nala moodye Goortaad suldaankii disheen Sugulle Caynaanshe Ayaad sun iyo waabeeyadii sare u laacdeene Sarhayaa ban kugu duudsiyiyo sulubkii dheeraaye Sinji iyo ab baa nagu ogaa sabada mayd yaalle Sibreheeda waa oolli jirey soobir qaawaniye Meeshii saqaafkeedu maro sababi waa taale Sooryeyney haadkii suddee soommanaan jiraye Waa kaa waraabii sorkokay saabka buuxsadaye Sagaalleyda nimankii ku baray sebenka Jiilaalka Reer Samatar baa Saylac iyo surinka kuu yiille Daraan lagu suduudeenba way naga sokeeyeene Sakaaraysataa iyo surtiyo sabaqa ruugtaanba Saqafaa qortaa iyo okhole suura gadataaba Sannad baad ku noolaan kartaan sulufka caydheede Soddonkii fandhaal baad la iman Saaxil waa nabad’e Wax kaloo safeeyaa ma jiro sadarka feedhaaye Annaga soortu nama kaafidiyo subagga Dhiin waale Sangaraaraceeduu qalbigu saakin noo yahaye Waa sahanka geerida hadday olosho Suudaane Bagaa lagu sardamay qaalmahaa noo sonkor ahaaye
Dulucda
Gabay uu Cabdi Iidaan ka hadlayo samirka dadka, dhibaatooyinka nolosha, iyo sida qofku uga warwareego qoorta. Wuxuu tilmaamayaa in dadku moodaan inay samrayaan iyagoo dhibaatooyin kala kulmay.
Cabdi Iidaan Faarax Nuur
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →