Gabay · Sare

Calansaar

Cabdi Iidaan Faarax Nuur

Tiriyey: Cabdi Iidaan Faarax Nuur ·

Waayadanba gabaygii ma odhan idibilkiisiiye Ma aloosin maansooyinkii aan aaladayn jiraye Waatii aan albaabada u xidhay tan iyo Iidiiye Amin dhexe xalay uun bay hurdada ina ka muuqdeene Aan alooso maantoo kalaaan ku istihaadaaye Kolbaba wixii Ilaahay kuu gartaad ku intifaacdaaye Abaal kaa maqnaan jiray hadduu Eebo kuu celiyo Amaah raagtay dabadeed haddii aadyar lagu siiyo Alxabdulilaah waa kuu banaan inaad odhaahdaaye

Istiqlaalka nala siiyey iyo amarka lay dhiibay Afrikada xorawday iyo nasriga uunka wada gaadhay Amin qaybta fiidka iyo saqdiyo oogta waaberiga Iridaan ka meeraba kolkaan ku arko guudkayga Inaan anigu keligay helay ila ahaataaye Ayaan kaa lakala roon yihiyo ubudka xoolaaye Inagaa aleylehe ka dhigan awliyoo kale’e Inkastaba haddii lagu noqdoo abid la raacdeeyo Ayaan inoola mid ah waa waxaan odeyna sheegayne Axadii iyo Jimcii baan ninkii jirey ilaaabeyne Arsaaqdii la raacdaynayey iyo waxaynu eegeynay Inta badan hashii lagu dabcay ee awrka loo tu’iyey Afarta iyo hashii toban bilood inanku raacaayey Aloos curatay Soomaaliyey idil ahaanteene Irmaanaatay Maandeeq haddii aad iman lahaydeene Afarta naas waa hoorayaan sida iliileede Aagaamihiyo dhiilashaan aad u culanayney Ka ammuuga waataa muddaba umalsanaydeene Afartaana waxuun lama eryee maysu wada eegay Ma asteeyey beyd gaabku waa kala ilaabaaye Sidii ilo biyalahoo rogmaday ma u eekeysiiyey Anbaqaadka hadal runta u eeg baa lagu asiibaaye Argagixiso waan tirin jiree erey yar baan baanay Adduunkii ka kala qaadi jirey lays ammaan geliye Isku darada soomaalidaan ku istareexaaye Dadkeenii la kala oodi jirey wada akhwaanawye Abtirsiintii tuurnay iyo aano reer hebele Sidii geel abaar kala firdhaday laysu soo ololye Ardayna macallinkii wax u dhigay aabo waw yahaye Abaal baanu marin kii xornimo noo abaabulaye Rabiyaw noo adkee calanku waa ururin doonaaye

Dulucda

Gabay uu Cabdi Iidaan Faarax Nuur tiriyey 26 Juun 1960 habeenkii ay Soomaaliya xorriyadda ka qaadanaysay gumaysigii Ingiriiska, isagoo ka tiriyey Beerta Xorriyadda ee Hargeysa.

CI

Cabdi Iidaan Faarax Nuur

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Cabdi Iidaan Faarax Nuur