Gabay · Dhexdhexaad

Boqorkayow

Cabdi Iidaan Faarax Nuur

Tiriyey: Cabdi Iidaan Faarax Nuur ·

Ilaahaan baahannee loo baahanyow Boqorkayow Hee Dheh Ilaaha weligi baaqiga noqdoow Boqorkayoow Hee Dheh Iaaha Deeqsinnimo loo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahi Waaxidnimo loo bartoow Boqorkayoow Hee Dheh Ilaahaan xaq lagu beeninnoow Boqorkayoow Hee Dheh Ilaaha dunida baaraxa khalqoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii inu burburin sheegayoow Boqorkayoow Hee Dheh Bini’Aadmi waa meel sokee Boqorkayoow Hee Dheh Bismillaahi waa culustahee Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii Dartii lagu beryoow Boqorkayoow Hee Dheh Kolka Bacadka yoomkiyo la tago belel Qiyaamaa Ninkastoo Badraanihi markuu biidna tari waayo Ilaaha Xukunka keligii bogtoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey Badhba meelu geeyoba markuu kala boqoolsiiyo Ilaahii laba u kala baydhiyoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bidhaantii kastaba kii arkoow Boqorkayoow Hee Dheh Bad wax mara berriga waxa jiriyo buuro dabadooda In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo Bushimo nool Allaha quudiyoow Boqorkayoow Heedhe

Biyo Oday intuu iga khalqiyo biliq yaroo Dhiiga Bilcan Dumara uurkeed intuu igu barwaaqeeyey Barna aniga oon qabin isagaan igu bukaysiinnin Ilaaha Nolosha igu soo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Baabaca addoon baan dhigtee Boqorkayoow Heedhe Boqolkaaga magac ee mid la’ yaan baaqa maqashiinne Allow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye

Dulucda

Gabay diineed oo uu Cabdi Iidaan Faarax Nuur ku baryayo Ilaahay, isagoo ku ammaanaya tawxiidka, weynida, iyo keliyaanimadda Eebbe. Wuxuu ka hadlayaa bini'aadmiga baahigiisa Ilaahay iyo rajadii naxariista Eebbe.

CI

Cabdi Iidaan Faarax Nuur

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Cabdi Iidaan Faarax Nuur