XUSEENOW AQOON XUME - JAWAABTII
Sayidku geeraar hore Dhurwaa ariga Eebbaa leh markuu maqlay usagoo dhurwaagu u doodaya wuxuu yiri:
Xuseennow aqoon xume, erey baan leeyahaye Awal hore haddaad tiri, Eebbaa adduunka leh Eeggana maxaw tiri, annagaa aryowga leh Inaad laba aflaysaa, ma ansixi karaysaa Ma Alloo kalaad tahay, mise waa ka adagtahay War maadaa ardaalyahow, arsuqeyga celin kara Adba waa uu ku uumaye, maanaan abuurrayn Mase aniyo adigaa, Eebbe weyne kala xiga Ayaantaan afura helo, maxaad uga umleysaa Illey waa Ibraahim, aaqiba ku diinkiis Mase waa Ogaadeen, aflagaaddadiisii Mase waa Iljeex Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdami. iyo, umuurtuu ku kici jiray Gaaciyoo aboodiya, ma aabaan ka leeyahay Haddii uu islaam yahay, Ingiriis ma aadeen Oo inamadiisii agoon, uguma taliyeen Cumar waa abootee, miyuu ii olmomayaa Joofeyga odaygaan, miyuu orod holaayaa Cabdul eeba koley tahay, miyuu aalad leeyahay Inta kaloo aad sheegatana, waa ooryo naaga ah Adigana urruufyahow, anigaaba kaa adag Aawiyo Majeerteen, waa ina adeerkay Tan iyo aamanuudii, Ilig Waa gacan Badweynta Hindiya gala oo Ayl ku yaal, wuxuuna ku caan yahay 'Ilig-Daldala'. baan fadhiyi jiray Abtirsiinyahayguna, waa reer Ugaadh Cumar Adiguna adoogaa, Uubataaluu Waa ceel ka mid ah toddobada ceel ee Daallo loo yaqaan. lahaan jiray Haddaad aamin doon tahay, orod aayar iga guur Haddii kale ha ooyine, adkaysaan ku leeyahay.
Dulucda
Sayidka oo dhurwaaga u doodaya ka dib markii lagu eedeeyay inuu xoolo dhacayo.