Dubbadow nin maansood i yidhi wuu i moog yahaye Way iga madoobayd halkiyo maalintii Sirawe Mijo-Gooye siduu noogu dhacay maagistii dhigaye Murti iyo adaan kugu ogaa miigganaan hadale Iga maqal middaan xalay la kacay ama la muusooday Hadba waxa mudh soo odhan adduun hal aynu moogeyne Maantana maxay noqon sidii Maxamed loo yaabye Hadday muruqa geeduhu go’aan mileyga Jiilaalka Mahwiga ceel haddii loo kacoo maalku ku arooro Mataan waa ka qaybsada tolkii midho wadaagaaye Malgabyana haddaan layga siin maax la dhuranaayo Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo Meeshana an taagnahay anoon muradna leefeynin Oo maydhaxaan igu xidhneyn maylimada qaato Oon waliba mood iyo salaan ula maleegnaado Saddex magac Allee xaajadaa layma marinsiiyo Sidii koran xiniinyaha la mudey uma mareeg qaato Ninkii midho yar baa lagu dagaa yaan la ii muhannin Hadday sado macaan tahay ninkii maamiyaa cuna’e Nin mud-muday dharkayn hoosna maray murux inshaalleeye Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mahiibtaane Muslin kuma cabiidsamo walloon madaxa kaa goyne Muggii weel ma dhaafee Allow mooska yaan jabinin Masaw aabbahay iyo intaan Magan ka soo gaadhey Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi Maso inaannu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye Aan weliba kaga miil caddahay miidhse diiddaniye Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho
Dulucda
Gabay uu Saahid Qamaan Cali ku qeexayo sinnaanta, tolnimada, iyo xiriirka dadka dhexdooda. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'M' oo ah qaafiyadda guud.
Saahid Qamaan Cali
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →