Dubbadoow nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e Minjogooye siduu noogu dhacay, maadis bay galaye Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan gabay e Ha yeeshee haddaan maago hadal, waan mitimiyaaye Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaane Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne Maantana maxay noqon sidii, Maxamed loo yaabye Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin Middan kalena waa aniga iyo, mid iska sheeggayga Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo Magowshaha haddaan layga siin, maax la dhuranaayo Oon meesha taagnahay anoon, murudna leefaynin Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado Saddex magac Allee xaajadaa, layma maransiiyo Haddiise doogga muruqiisu go’o, milayga jiilaalka Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro Waw miila-qayb niman hadday, magac wadaagaane Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan kasoo gaadhay Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniye Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho Inuu aabihii Madar yahuu, muuno ku lahaaye Muska Ina-Afeey galay arlada, kama miciin moodo Sidii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado
Dulucda
Gabay uu Saahid Qamaan Cali ku qeexayo murtida iyo maansada. Waa nooc ka mid ah gabayada halxidhaalaha ah oo uu ku muujinayo aqoonta iyo garashada.
Saahid Qamaan Cali
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →