Gabay · Sare

Shaharkii Soon

Sheekh Axmed Gabyow

Tiriyey: Sheekh Axmed Gabyow ·

Shaharkii soon iyo shaatadii dago Haddii la sheelay shantii salaadood Shahaadateynkina sheybya shaabkiin Shafawi looga ekeystay sheegmada Shubhana aan laga dhawrsan shay galay Shiribkiyoon sharcigeynu sheegeyn Shabashaboo shabyo huuhda haysiin Iminkii shuushkii idiin yimaadoo Sheeggu dhumoo shuqo laysku soo tolo Labada shuulana laysku soo shiro Shanshoodhinkiinnana laysku shiil jiro Sharqi xaggii shacrigeyn la aaddiyo Shillal ka hoos shacshac laysku shaaqalo Kuwaad shinseysayna kaa shareermaan Shaydaankinow qabrigiin ku soo shiro Shiddo dhacdaa la shallaayi doonaa Shirmadii diintase waa sharaaxdeen Wacdigaan sheegayna waa shakeysiin Shaq uma siin dhegihiinna shaaqalan Aw Sheekhda beenana waa shubeysiin

Dulucda

Gabay diimeed oo uu Sheekh Axmed Gabyow ku waaninayo dadka inay dhawraan sharciga Islaamka, gaar ahaan soonka, zakada iyo salaadaha.

SA

Sheekh Axmed Gabyow

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Sheekh Axmed Gabyow