Gabay · Dhexdhexaad

Todobaatan iyo Toban

Aadan-Gurey Maxamed Cabdille

Tiriyey: Aadan-Gurey Maxamed Cabdille ·

Todobaatan iyo toban miyaan, tiriyey waageyga Sidda wiil tarada ceel marshay oo, timaha deebeeyey Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga

Ma talaabadaan la qadhqadhoo, tiigsin luga mooday Ma tukubay siddii habar tu kale, tuugmo ugu jeeda Bowdada miyaan tuujiyey iyo, adhaxda tiirkeeda

Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer leh Tartarada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeed ah

Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise Ma dhagtaan tagoogada gashaday, siddii aniga oo tuug ah

Wax martidu tamadisaa ninkay, toos u hoyataaye Tulugiis miyaan la igu arag, tuludi waa geele

Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane Taf miyaanan rogi hayn siddii, cudurku ii taabay

Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duulaane Guuraha anays taagi jiray, idil tilmaanteede

Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon kasoo didinay Iba-toosan leeyeey haday, na hor tislaynaysay Tog biyo leh haddaan keenay oon, koron ku taysaynay Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayey

Allahayoow tahliishii janaan, adiga kaa tuugay

Dulucda

Gabay uu Aadan-Gurey Maxamed Cabdille kaga hadlayo gabowga iyo da'da, isagoo isbarbardhigaya xooggii hore iyo tabardarrida da'da.

AM

Aadan-Gurey Maxamed Cabdille

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Aadan-Gurey Maxamed Cabdille