Todobaatan iyo toban miyaan, tiriyey waageyga Sidda wiil tarada ceel marshay oo, timaha deebeeyey Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga Ma talaabadaan la qadhqadhoo, tiigsin luga mooday Ma tukubay siddii habar tu kale, tuugmo ugu jeeda Bowdada miyaan tuujiyey iyo, adhaxda tiirkeeda Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer leh Tartarada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeed ah Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise Ma dhagtaan tagoogada gashaday, siddii aniga oo tuug ah Wax martidu tamadisaa ninkay, toos u hoyataaye Tulugiis miyaan la igu arag, tuludi waa geele Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane Taf miyaanan rogi hayn siddii, cudurku ii taabay Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duulaane Guuraha anays taagi jiray, idil tilmaanteede Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon kasoo didinay Iba-toosan leeyeey haday, na hor tislaynaysay Tog biyo leh haddaan keenay oon, koron ku taysaynay Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayey Allahayoow tahliishii janaan, adiga kaa tuugay
Dulucda
Gabay uu Aadan-Gurey ku qeexayo gabowga iyo da'da weyn, isagoo isbarbardhigaya siduu horay u ahaan jiray iyo sida xaalkiisu liita yahay markuu gaboobay. Wuxuu ka hadlayaa tiro, tabar, iyo tayadii hore.
Aadan-Gurey Maxamed Cabdille
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →