Gorayadu ilmaheed aroori bay dhigtaayoo aboodigu ku laayaa, shimbirtuna aroosay ilaxidhoo ammaana bay ubadkeeda seexisaa. Kala awran labaduye edebtiyo aqoontiyo asluubtay isku dhaafeen. Caqligii wanaagsani itaal in uu ka roon yahay bal eegoo u fiirsada.
Ilka weynoo maroodigu araduu mirtaa buu cadawgu ku ugaadhaa, aboorkuna duddumadaan aragnay buu dhistaayoo naftiisa ku ilaashaa. Kala awran labaduye edebtiyo aqoontiyo asluubtay isku dhaafeen. Caqligii wanaagsani itaal in uu ka roon yahay bal eegoo u fiirsada.
Ma ogtahay sagaaradu awaarahay qoddaayoo saaladeeda ku aastaa, libaaxuna ma asturee hilimaduu ka arooruu digadiisa ku aslaa. Kala awran labaduye edebtiyo aqoontiyo asluubtay isku dhaafeen. Caqligii wanaagsani itaal in uu ka roon yahay bal eegoo u fiirsada.
Dulucda
Hees uu Xasan Sheekh Muumin ku tilmaamayo in caqligu ka roon yahay itaalka, isagoo tusaalooyin ka keenaya xayawaanka kala duwan.
Xasan Sheekh Muumin
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →