Gabay Sare

XUSEENOW TABTAAN AHAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Gabaygan ta’da ah gugii la mariyey iyo ujeeddadii loo mariyey midna wax si fiican noogu tafaftira Daraawiish kama helin, wuxuuse na tusaaleynaayaa in Taleex lagu tiriyey, ujeeddadiisuna ahayd faallada adduunka iyo dadku wuxuu ku kacaayey markaas. Waxaa laga garanaayaa tiiraanyo, caloolxumo iyo tahara ceeriin oo Sayidka kaga yimid xagga Soomaalida. Mana dhamma sida gaadaalkiisa dambe laga garan karo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xuseenow tabtaan ahay haddaad, tu iga weydiisay Tiiraanyadeydaa ku dili, tabada’eediiye Maandhow wax lama taaqsade, toobso hadalkayga

Tixdoo keliya talo looma filo, taawada adduune Tammadkii wax lagu iibadaan, taabud noqonayne Tumun ribixa adigoo helaa, tiilku kaa dhiciye

Tabaalaha adduun baa ka badan, timaha xaadeede Toogada dhibaatee laga qabo, tarabka weeyaane Ragba towsta waa kula qabaa, taaha urugeede

Wax la taabay tacab baaqday waa, tarantar seeraare Taageerka sicir baa ku iman, teelgaraafyada e Waxa taarka lagu soo waddayn, wa tis kuu qorone

Tu’i weeye aan jirin hawada, tararaxeediiye In kastaad arlada taakisoo, tahan fogeysiiso Tubtii Eebbahay kugu wadaan, tigin ku dhaafayne

Turgi xoog leh adigoo ah bay, tahartu heedhaaye Tayrshuhu mar buu reydabaa, taagabtuu yahaye Maruun baa tijaaltii lugtii, turunturrootaaye

Taysuhu mar buu kaa guraa, teelka caanuuye Tuurimaha geela mar baad, tuludna weydaaye Maruun baad tirsaaskii hunguri, tigidhku rooraayee

Liishaanka toogta ah marbaad, tumul la weydaaye Tuuryadu marbay leexataa, taakaleel tahaye Maruun baa tumaatiga warmuhu, turuqa seegaane

Geesigii tilmaanna mar baa, fulay u tookhaaye Nin tabiinno kuu guri jiraa, kuu taltaal noqone Nimaan adiga kugu toosin baa, kuu takhaashamiye

Tafantoofka cayreed mar baa, laga tanaadaaye Towqad xumo mar baa laga baxaa, talo Ilaahaye Tarood xoolo laga buuxiyoo, taajiraa badane

Tusmadhigidda hodontooyo waa, tarar dabayleede Waa tiix qayood maray markuu, tegayo miiskiiye Maruun baa tar kaa noqonahayaa, tulushle meertaaye

Toddob da’ay tigaaddoo baxdoo, talaxu dheeraaday Tasaq xamada geeda istacoo, tal iyo laashuusha Tobbog faraq leh teysali curjina, tiico iyo laamo

Hurmood gubad leh dogob huuraaloo, hadowgu naafteeyay Hirigtaad maraysiyo jirduhu, kuma halaakeeyo Tureed khalada taarma isqabsaday, takhas cagaaraaya

Tumbuc bacada tamuux jilicsanoo, lagu tardhabaayo Tirintiga turuubta iskuleged, doc isu tuureenka Takardhabadka rays tamashadiyo, tacab-ku-raaxayska

Tagsan garaba toolmoon aroos, tuujin iyo qaab leh Taltallaabsi toos ugu adeeg, tabaradii qoyska Taf-ku-jiidka mara taabsashada, toosintiyo hooda

Shir tawalay tol soo wada kulmoo, amar la tookhaaya Taxaashaynta toobeyn xarrago, tamashlihii geedka Tartan beder darmaan tooxanoo, talow u soo boodi

Col tamuumay torog laysu guray, toga ku saanyoodka Hor weyn tiro leh rimay tiirsanoo, togoxu weynaaday Tajal awra qaalmaha tofrimay, korommo taambuuga

Tebis goola awr toban jiroo, dhebi ku teesaaqday Togoyada maqaar loo sidoo, kuray ku tookhaayo Barqa tu’iska toobkaha xumbada, toolinkiyo xoorka

Timir dhalay tanaagtiyo qumbaha, loo tigtiginaayo Tirsiis ido ah sumal looga tegay, wanan tabaadaaya Riyo toolin laga soo lisoo, tiriyo dheeraada

Tabiin badan qaraabooyin tuban, tuurcaddaha wiila Haddii lagugu taakulo intaan, tiriyey oo sheegay Waxaan adiga kugu taawilleyn, kuma taseecaane

Tufna kuma lilleeyaan waxaan, kugu tadcaareyne Tunni kuu caddaawa ah mar baad, tabaro mooddaaye Nin tusaaledage ahaa baa, kaa tawaan cuniye

Waa tacab-khasaar gaal ninkii, toobaddu wacaye Adigoo tacliiminahayuu, kaa tartariyaaye Goortii la taa’ibi jiraa, balo taltaashaaye

Tortooraha uraayey sidii, ey u taabiciye Talgalkii xumaa baa futada, lagu tarraajaaye Wax takoorimada loogu xiray, tarash najaaseede

Waxay kheyrka uga tooban, waa tootir iyo naafe Ibleyskii ku tabantaabiyaa, taw dhe soo orone Wax taggooda laga yeelayaa, tooci iyo naare

Tan baaruuda un bay ka qubi, tooxda badanaade Teygari Caleed bay ka ridi, tooda nololeede Tixintiga wiriiriga ah bay, tabaxsanayaane

Tallal’ay waxaan hurin ninkii, gun u tawaabayne Nin ragaa ku tabantaabiyee, tuug abaal ma lehe Goortuu tabiinada cunuu kaa, tubbanayaaye

Soomaali anigaa tamminay, tiilka ay tahaye Anigaa tafniday meesha iyo, toban jirkeygiiye Anuu iga ta’wiishaa ninkaan, tooda garaneyne

Waa wada tukiye fule hadday,rag isu tookhaane Goortii la taabtamo dagaal, kama tix qaataane Markii tooratooruhu kacay, sii tubbanayaane

Turufleyda gaalaad xarbada, uguma tookhaane Goortuu kufrigu soo timley, sii tawalayaane Waxsey sii tawaawici intaan, taabka loo imane

Tagooggood wuxuu jabay markuu, taabo xoolaha e Taraaraha ku yaal oogadaa, lagu tibaaxaaye Tiiriga sidii loola dhacay, talal ma daayaane

Waa tarikiin aan salaad, taqabbaleyneyne Tukashada Fircoon baa ansixi, waa tu aan jirine Towxiidka Eebbiyo sharciga, wayan taalihine

Talaabuucsanoow ferenjigey, talo ku raaceene Waxay uga tabaabulahayaan, inuu taxuubshaaye Sidii nirig tushuumaaya bay, daba tushleeyaane

Tacaddiga Islaameed ka jecel, timirtii doocaane Daraawiishta teedahan ka neceb, tiirridoo idile Intii ay tafriid uga dileen, toban lag weeyaane

Tif karaamo awgii lahaa, uma taxniigane Ninkii ayan tooda uga biqin,uma turaayaane Culimada tuxfaha yeerin waa, ugu tiraayaane

Sheydaan ninkuu taba baraa, malaha towfiiqe Ka tasoobe dowgii jannoo, toobiga ahaaye Waa wada tijaal looga tegay, togaggii naareede

Tuxle iyo gaadmo iyo khaatirnimo, taraddan weeyaane Tax hilibo ah tebbada dhaansan bay, turugga saaraane Muskuun bay tafaayaan intay, tafaha xaytaane

Wuxuun bay tafaafuli sidii, yibir sin taareede Tuur talaadiyo dug bay, turub ku jeexdaane Tamiin min iyo faal bay tusbaxa, tororogleeyaane

Tumaalliyo talaamiid ka siman, tololoh beenaade Haddaad kula tacaashana run baan, laga taxniigayne In kastay tallaahida maraan, waa tu’ aan jirine

Naagaha tigaaddii la furay, kama tegaayaane Qiil tahanti uma saarsadaan, tiirisboodhaduye Waxay kula tacaalaanba waa, tu’is qaxaabeede

Tiglawiligta sacab bay kurtood, tar u qalaadaane Tuulada wax laga yeerin waa, toolin dhooblaha e Taraawiixda soonka ah waxay, tumaan ciyaaraaye

Waa xaasid kuugu taamayoo, tiimbad kuu qoodiye Sidii kadafka talantoola bay, foolka kuu tubiye Waxaan kugu tilmaannaynna waa, kugu tasheegaane

Tiih iyo wareer bay qabaan, togagga rooraane Taraar bay u jeexaan birtii, wada talfiiqnayde Wax tafiqay qalbiga waa khamrada, taxarrankeediiye

Waa wada tin doofaar haddaad, soo tawaajihiye Toojana uma dhiijaan martiga, soo tarbiicsadaye Tumunna uma quuraan miskiin, soo tawaawacaye

Waa niman tijaaro ugu kici, tooskii Cadameede Tuurtiyo tubtaa feerahaa, laga tantoobaaye Waa niman tammaaniin caddada, laga ta’kiishaaye

Tewin cudur tukubo ciirad bay, tananahayaane Waa niman talooboo wadnaha, tooba weligoode Tabbaas guryaha taandhada xafiis, taagiddiyo nooda

Turjubaanka iyo daararkaa, taabtan loo yahaye Waa niman taraajada afkii, toxobbo fuushaaye Sagaarka iyo caanaddey, togog la meeraane

Ugaadhaa takhtiga Hawd jirtay, teedinahayaane Iyagaa tan iyo aamanuu, tolonku saarraane

Dulucda

Faallada adduunka iyo is-bedbedelka nolosha oo Sayidku ku mariyey gabaygan ta'da ah.