XUSEENOW NINKII LAABLE
Tiirka koowaad ee Daraawiish wada-jirkeeda ku dhisnaa wuxuu ahaa “Gabayga” iyagu dhexdooda wax ha isugu sheegeen ama dad kale ha kaga ciil beeleene, wuxuu gabaygu ula mid ahaa sida halka maanta idaacaddu adduunka ujoogto. Waxaa loogu sid tirin jiray xilliga guga oo kale. Daraawiishtii goobjoogga u ahayd waxay sheegeen in Xuseen Maxamuud (Dhiqle), oo gabayada Sayidka naawiii jirey in laga filaayey galab, galbaha ka mid ah inuu gabay keeno “Farxadda” gabaygaasoo uu Sayidka horay u qaybsiiyey, hase yeeshee, Xuseen Dhiqle waxaa u suuro geli weyday inuu gabaygiii mariyo. Gabaygan ujeeddadiisu waxay ahayd canaan uu Sayidku u jeediyay Xuseen Dhiqle inkastoo canaantani ay wax barid iyo layli-bixin ahayd. Sayidku wuxuu ku caddeeyay in gabaygiisu saddex saddex meeris ahaa, wuxuuna Sayidku yiri:
Xuseenow ninkii laable baan, lumin weedhay e Maantaan lixyowdiyo, adoo laylafoo gabana Wax badan baan sidii laab quraan, looxa kuu dhigaye
Nimankii laqbada kuu akhriyey, waa ku himiyeene Lallabkii ay kuu sheegayeen, laasin ma ahayne Waxay kugu luggooyeen jidkii, laallada ahaaye
Lucda weeye hadalkaan sharciga, laabud ku ahayne Mar haddaanu luuligu is-hayn, labacu waa beene Laqwad xumo ha joogtee, macnaha kuma lihiinsiine
Lakab oodan bay kugu rideen, laqammadiinniiye Aniguna lur baa iga qabsaday, layli bixintaaye Laxnigii aan kaa jaray, ka badan lag iyo alaafe
Marka laaqiskii iga ba’iyo, laacdankii gole e Laandeyr haddii aadan qabin, kama layiigteene Anigoo ladaadyeysan bay, lar igu oogeene
Lidda malaha sooryadu haddaad, meel ka liilliyi Liqmada iyo dhuuniga waxbaa, iigu laabudane Lis xaraarle bay ii dhadhami, labanka caanuuye
Loolkiyo lammaa laysku xiray, laabatada qoyska Haddaan laamandoodsado hurdada, waanan ledihayne Lahanka iyo caradaan qabaan, laba legdeeyaaye
Leecnanta Soomaali baa, luri calooshaye Luufluufatadaasaan u dhiman, laafa lugudkeede Maandhoow laftii iga jabtaan, luudayaa weliye
Maandhoow raggii Laxar Wuxuu u jeedaa magaalo Cadan dusheeda (Laxaj). jiree, looraraa yimiye Loxoskii horay ii ekayd, liin ka gubiddiiye Maandhoow lix seben buu fadhiyay, Laaso Waa balli Buuhoodle ku xeeran. iyo Cayne Waxaa loo yaqaan dalka ceelka Caynaba ku wareegsan.
Maandhoow lixaadkaan qabaa, laacib baan ahaye Maandhoow lib baan kaga tagaa, leexa dirireede Maandhoow laqdabo waa ka duuf, aniyo Laaleyse Wuxuu ahaa faras Sayidku aad u jeclaa.
Wax badan baan libaystoo gashaday, baal laglaga dheere Aarkuba hadduu soo lallabo, laga lanleemooye Gaashaan nin lowga u dhigaa, waa la’aan jirine
Maandhoow waxaa igu lammaan, duciyo liilaafe Liibanta Eebbiyo waxay laray, Daraawiishe Waxaa igu laxaamadan kuwaad, laxan wadaagtaane
Haddaanan diinta laayicin xaqaa, lagu labaadaaye Inkastuu lukuuk daba kufrigu, libirka ii keeno Waxaa igu lillahiya inaan, layga lalinayne
Maadhoow wax badan baad lurriday, gaalka luunka lehe Wax badan baa waraabuhu lud iyo, loogsin kaa helaye Wax badan baad lakiday farenjigii, loloshka dheeraye
Marka igu ladoo gabaygu yuu, laydha iga raacin Maandhoow adaan laxaw ku hayn, laylana ha baajin Adigaa lammaantaye ka dhowr, laakadiyo ceebta
Listaankii horaa kugu jiriyo, luquf habawgiiye Inkastaan ku laalbaray fahmadu, kuuma looshana e Maandhoow ha leeleelin, yay leexan maansaduye
Luuqdana ha bi’in sowdku, waa laaxibboon yahaye Maandhoow lukowlaha ka dhowr, labana haw hoorin Meeshaanad lowga u dhigayn, kor ugu laameeri
Maandhoow halkaan kuu laqimay, malaha laakiine Waa laqan madaafiica iyo, danab lifaaqoone Waa liifad duushiyo rasaas, leeba oo dhiciye
Waa laas xiriira iyo jookh, ligicyadiisiiye Waa liinta kheylida ku taal, ligicyadeediiye Waa luungad iyo shaadir iyo, luulka oo kale e
Waa loollimeyntii baddiyo, mowjadoo lulane Waa lalan daruur ciratayoo, laaga soo rogiye Waa lugiyo hooriyo hillaac, lagagacdiisiiye
Waa xamashka liiqanahayiyo, luunta beeraha e Waa laan cagaar bixiyayoo, layranoo ruxane Adiguba lubbiga waad ka garan, laaea geedaha e
Maandhoow ladnaan baad qabtaa, balo ku laaqyeyne Maandhoow sidii leyf martaan, kuu liyaafadine Maandhoow luddaan kuu ridiyo, lacandidaas qaado!
Dulucda
Canaan iyo wax-barid Sayidku u jeediyay Xuseen Dhiqle oo ahaa ninkii naawili jiray gabayadiisa.