Gabay Sare

XUSEENOW CAQLIGU KAAMA BAXO

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Dagaallo badan baa Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray. Ingiriiska wuxuu doonayay inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin, Daraawiishina waxay doonaysay inaan Ingiriisku dhulka ku xididaysan. Labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay. Dadkiina wuxuu u kala miirmay: Nin Ingiriiska la jira oo moodaya inuu dan u yahay, iyo nin Darwiish noqday oo jihaad u guntaday iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogayn. Arrintii oo sidaas ah ayaa Ingiriisku niman Soomaali ah Sayidka ergo ugu diray. Nimankaasi ujeeddadoodu waxay ahayd inay Sayidka kula doodaan inay yihiin dad Islaam ah oo dadkooda in la laayo iyo duunyodooda in la dhacana aanay bannaanayn. Isagana waxay la ahayd, mar hadday aqdaaamo ferenji yihiin, inaanay diintu nabad gelinayn, markaa Sayidku isagoo ka warramaaya dhibihii loo geystay, tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimankaasu u keeneen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygaan tiriyey. Waxaanu ku tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado.

Xusenow caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu kheyre Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaayee Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

Hawl kalana waa erey yaraan, kuu erganayaaye Alla igama qaadoew adaan, kala illaawayne Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

Ilaahi abuurba kuwii diiday, amarkiisa Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay Asxaabti dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, uga adeegaayey Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aanaysatay

Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey Oo Aw-Cabbaas diley, dadkaan eedi kala gaarin Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey Oo Mililikh aabbe u yehee, u arrin qaadaayo Oo xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey Afbakayle nimankii wadee, nagu aseebaayey Ee Oodagooyiyo na dhigay, aydii Daratoole

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey Ragga ehelukheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey Oo umal daraaddiis girliga, ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imaanaayey Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig wixii joogay Ee Eerago iyo Batalo , igu uquumeeyey Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyey

Nimankii ayaantii Gumburo oboda ii dhiibay Ardaashii Jidbaalle i heshee, igu unuun goysay Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

Nimankii adduunkeygii dhacay, ariyo geeliiba Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay Nimankaan Ilaahoow lahaa, eyda iga doono

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diray, naga ajoon waayey Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Ninkii abaartii caleed, Bari na aadsiiyay Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayay Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay Nimankii ujuurada cunee, iibkii ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiyee

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne

Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka liddoora Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeyneynin Amaan aniga la i oran karayn, tanu ahaan mayso Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta.

Dulucda

Sayidka oo ka warramaya dhibihii loo geystay, tilmaamaya goobihii laysku helay, caddaynayana doodda niman ergo ahaan loogu soo diray.