Gabay Sare

XIRSIYOW NAAQUSNIMO

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Xirsow naaqusnimo waa waxaad, niiq la leedahaye Naxar lagu shid waa jaahil iyo, nararacdiisiiye Noy baad tihiin aan qalbiga, nuurka loo geline

Naasilo xun baa lagu yaqaan, nimanka Iiddooree Wax ka niiqsan toban jeer kuwii, naaqurka lahaaye Nasab haddaad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene

Naxli baad ka dhigateen, halkaan narriga lahaaye Nasteexadu waxay idinla tahay, naafacaan jirine Ka nacawdu shaydaamadaad, nacam tiraahdeene

Naar-quutayaal iyo kufraad, Nebiyo mooddeene Naarta waxaa idinku guri, nibirayaashiiye Nasaarada waxaw taabacdeen, waa najuusnimo e

Naagow tihiin ferenjigii, noloshka dheeraaye Nacalluhu kuwuu fuulay baad, daba nushlaysaane Naamuuskiin wuxuu jabay markaad, nacabka raacdeene

Nacastooyo waataad dorraad, igula niiqdeene Waxay naafay waa adinkiyo, nabarradiina e Nafta igama goyseen haddaad, iga naxaysaane

Nasrigaan ku cayntaye tolnimo, iguma noolayne Naxariista Eebbaan ku belay, naallo iyo khayre Nabsaa idinka soo riday xaqaad, nugux ka siiseene

Geelaan naawilaayee sidii, naqa u eegaayey Aan naalladuu diraye markaad, bogox ku nowsiisay Oo aan nayaayiray markay, noobir soo hoyatay

Anigoba wax badan baad nurli’i, igu nacdiirteene Wax badan baad nicmada Eebbehay, ila necbaateene Wax badan baad nijaasiyo darxumo, igu nadiirteene

Naanaa weeye maantaad wanaag, iga niyeysaane Nasteexiyo heshiis iyo horaad, nabad u diiddeene Sidow soo naqaa hadal xun, baad igu nabaysaane!

Dulucda

Canaan ku socota Xirsi ama dadka raacay gaalada, laguna sifeeyay falkooda mid nijaas ah.