XIRSIYOW HAGAAGTAY
Gabaygan ujeeddadiisu waxay la socotaa kii ku saabsanaa dilkii Cabdullaahi Aaden Kiyo. Sayidku wuxuu isku dayay inuu guubaabo ka dhex abuuro beelaha si aanay gaashaanbuur ugu noqon gumaysiga, ee ay Daraawiish ugu soo biiraan. Ninkuu Sayidku ku halqabsaday ee gabayga usii dhiibay wuxuu ahaa Xirsi Diihaal. Wuxuuna Sayidku yiri:
Xirsiyow hagaagtaye haddaad, hillinka qaadeyso Dhexdu waa habheeboo, naftaad u hawalaysaaye Harraad kama baqaan niman hadday, heli karaayaane
Horweynkiyo haleellada nirgaa, loo hintiqinaayo Hammuunta iyo gaajada ninkaan, haysan baa qaba e Haan iyo sibraar baad ku shuban, halab haruurkeede
Hayin baad ku raran qaalin waa, hilay la buubkiiye Hawdkaad maraysiyo cidladu, way nala heshiise Halaq iyo libaax horara iyo, haayir iyo tuugga
Astaadkaa ku heli oo Rabbuu, kaala hoos geliye Habeenkaad Ogaadeen tagtoo, reer Isaaq hoyato Hawraartaan kun faro iiga gee, hagari nwaa ceebe
Ha’dana yey ka dhicin xarafta, waa lagu hagaajaaye Hadle Hadle (Boojaali) Yuusuf Maxamed. iyo Umaad iyo Yuusuf Qaraf, hadalku waa qaan dheh Jiciirkii Jiciir Maxamed Liibaan Jiisoow. hormuudka u ahaa, hoos ahaan ugu dheh
Waxaad haybta reer Cali ku tari, helay warkiinnii ku dheh Nimankii huwan ahaa dadkaan, ugu han weynaa dheh Hiimadaan idiin sidaynay, iyo hadal naloo keenay
Waa laba hiyoo kala fogaan, haab isu lahayn dheh Haaruun inuu dilay la maqal, horiyihiinnii dheh Waxaa Haradigeed Waa 28 balli oo u dhexeeya Harafaafan-yar iyo Harahabaskuul. nooga timi, dhimay halyeygii dheh
Mase taladu waa hudur warkay, nagu hasaayeen dheh Cabdullaahi haad inuu cunaan, hanadyo loo laynin Ay nolol haweystaan kuwii, haniyihii gooyey
Ay heli karaan saas guntii, haarufta lahayde Hurrihii Ibraahim-Bayr Xasan Odowaa. xunka ahaa inuu, waran ku haylhaylo Oo halawda jaray geesigii, lagu hagaagaayey
Oo midab haldhoolow tukaha, siiyey hilibkiisii Waa haramcad aargoonle cunay, hadalka qaarkiise Bah-Dhulbahante hoog kama maqnoo, heeran boqontiiye
Waa hadaadun reer Maxamedkay, hibadu saarrayde Alleyle halkaa uma ilayn, horinta Guuleede Nimankaan hubkoodiyo ogaa, halalacayntoodii
Aan qolo ku haystaa dhaqnayn, haybad iyo xoolo Nimankii hubka caddaa midgaan, hoorle laga yeelye Aan hubsado halkay fali kuwaa, lagu hariiryeeyey!
Dulucda
Sayidka oo guubaabinaya reer Cali ka dib dilkii Cabdullaahi Aaden Kiyo.