XIRSIYOW DADKII WAXAAN KU NACAY
Gabaygan ujeeddadiisa iyo sababta loo mariyay wax inooga warrama lama arag. Sayidku wuxuu ku halqabsaday Darwiishkii la oron jiray Xirsiyow Xirsi Diihaal Halanje. . Waxaa gabayga ka muuqata canaan waayeel, eedsheegasho iyo hanjabaad ku aaddan Soomaalidii ka hor timid dariiqada. Wuxuuna Sayidku yiri:
Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay, waa dammiinimo e Wuxuba waa dufulo waalan aan, doocna garanayne Dawadooda meeshay ka heli, deyiba maayaane
Doqonniino kaliyey u lumi, nimankii Daaroode Waa niman iblays duufsade, dow ka dhaadhiciye Waa niman Ilaahay ka deday, labada daaroode
Waa niman dariiqada Alliy o, diinta caasiyaye Waa niman shareecada dulmiyay, iyo Daraawiishe Waa niman digniin aan ka qabin, dabaqi naareede
Waa niman darxumo kaaga iman, deeqii loo galo e Waa niman dalaadaha ku qubi, darajadoodiiye Waa niman dad kale raacayoo, deyr ka dhaadhiciye
Waa nimanka dibadduu bexee, sii dabeyshadaye Waa niman canjeelkii dorraad, daawadii furaye Waa niman qalbigu diiq yehee, doorsaanoo falane
Waa niman dubaaqoodu yahay, inay dareeraane Waa niman dagaalkii kufriga, iigu duurxuliye Waa niman aan lala doonahayn, dux iyo liibaane
Waa niman habaar loo dujee, duco ka beydhaaye Waa daalimiin lagu hurshaa, dab iyo baaruude Waa niman dad iyo maal Ilaah, damug ka siiyaaye
Waa nimanka dacaygii ku jaray, daaldhaha ahaaye Waa nimanka deylkii hormaray, dabada dhuubnaaye Waa niman sidii dumar haween, laga danaystaaye
Waa nimanka doobbiga noqdee, duud xammaalka ahe Waa nimanka doofaarka qalan, doog iyo abaare Waa niman digniin aan ka qabo, duq iyo waayeele
Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye Waa nimanka daacuun jaryow, dilay ikhwaankiiye Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay noqone
Waa niman dambaabaan waqood, daahir noqonayne Waa niman dafiray oo ka tegay, daacadda Ilaahaye Waa niman dillaalkay cuneen, deyn ka buuxsamaye
Dibindaabyo waa niman wax badan, ila dul jeerraaye Waa niman dakaanadaydii qabaan, duudsi noqonayne Maandhoow nin ciil dilahayoo, duuban baan ahaye
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode Waxa diifka ii yeelay waa, caro daraaddeede Haddii doobka caano ah, iyo karuur dacalka lay saaro
Haddii darab la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde
Waxaan daabacuu rabinayaa, dabadka Iiddoore Dul ku neefle oo idilu, way daalibahayaane Ha yeeshee dubbaha waxaan laga sugi, Doofil iyo Giibe
Waxaan duullankuu bixinayaa, duulka reer Dalale Daa’irasan baan sugahayaa, deyrtaan dabadeede.
Dulucda
Gabay canaan iyo hanjabaad ah oo Sayidku u mariyey Xirsi Diihaal Halanje.