XIRSIYOW DABUUB GABAY
Darwiishka la oron jiray Xirsi Diihaal Halanje, ayaa Sayidka dhowr gabay oo kala duwan u mariyey, kuwaasoo uu ku leeyahay Daraawiish goobtii Jidbaalle ayaa lagu jaray. Ninkani Sayidku wuxuu ka doonaayey in duullaan la wado oo Daraawiish dagaal gasho, raggii la laayeyna loo aaro. Wuxuu kaloo weydiisanaayay xoolihii baa jiilaalka dhaafiyaye in wax loo taro. Sayidku wuxuu qaadan waayey qayladaas oo uu u arkay mid cadowga u digaysa. Kolkaasuu Sayidka mariyay gabaygan.
Xirsiyoow dubuub gabay ninkii, dabacaan ahaye Ninkastoo dabeebtaba anaa, duray halkiisiiye Macnihii daboolnaa ninkii, daalacshaan ahaye
Dulkuneefle oo idil wixii, Dir iyo Daarooda Dadku waa ogyahay inaan nafluhu, igu dabbaalayne Ninkii daawadiis ila dhigtaa, talo ka diimoone
Durdur aan go’ayn lama yiraah, waa darfiyayaaye Badda diiqalyeyn laguma shubo, dowlis iyo yeele Waxse daal u go’a waa ninkii, dara wadaamaaye
Dayixiyo dujuumaadka layl, waa sidii danafe Deyrdeyrka hore yaa arlada, lagu dayoobaaye Goortii shamsadu daahirtay, dunidu nuurtaaye
Iskuduubka hore waa gammaan, daabbaddoo idile Ha yeeshee dameer iyo farduhu, waa da’ kala weyne Dooyada waxaa lagu galaa, dooddiyow Xamare
Wax dagaal la geeyaa ninkaan, deyrka jebineyne Dudda geesiyaan nixin markay, dilaydu yeedhaaye Goortuu dinaahshuu fuluhu, dib isu laabaaye
Doqon iyo nin raga looma simo, deeqi loo gato e Ninkii daacaddaa talin hayaa, dahab la siiyaaye Mar hadduu abaaldooris yahay, daafta laga raacye
Danni iyo yiqiinaad hubtaa, kala dubaax roone Dululaati maran bay indhuhu, dar u malccyaane Daa’imo harkii bay dedbuhu, daad u noqotaaye
Afartaa intaan soo dewaray, deel ma ka higaadshay Doollaab xiireed sideed, diillin maw mariyey Dawcad kalena waa anigiyo, dan iska sheeggeeye
Wiilyahow dubuubtaad i tiri, laygu dacareeye Kufraad derajedeynaysaa waa, dururudiinniiye Dar Alleynu leennahay haddaad, igu dambowdaane
Duunkayga keliyaa la cola, duufillaha geele Duullanka goortaan wacaan, iga digaysaane Goortaan idin dareensadana waad, iga dideysaane
Sidii deero yaacdaa kurtiin, sii durdurisaane Wiilyahow dadkii aad ahayd, nagu dafaarowye Dekeddii Cadmeed bay tageen, duulkii reer Gorode
Guuleedna doon baa hariyo, duqa Ileeyaaye Ileeye Maxamad Diiriye Cali, wuxuu ahaa oday talaggal ah. Warfaa Cali siduu doox u yiil, deexda laga waaye Dunjiguu ahaa reer Yaryare, waysagii didaye
Deyl iyo waxaa idin hor maray, odaygii Diihaale Adna waxaad la dabandeebi waa, daallinnimadiiye Waxaan idin dabaalsiin jiraad, dararinaysaaye
Waxaad iga dalbaysaa inaan, kuu dayaafado e Dowgii adoogaa maraad, dabagalaysaaye Asaguba wuxuu doy u kacay, deyrihii hore e
Haddeeruu dillaallanahayaa, dalaski dheeraaye Dani nimay waddaa baa tahaan, duunyo badan hayne Waxa kaa dunuunicinna waa, duraha jiilaale
Arigiinna waa ka dalmoo, kaa diraacsadaye Anna daayinkey iguma qadin, daalib ii yimi e Dacaam siiyayaa iyo wan weyn, ugu digsiiyaaba
Duleedkayga niman soo martiya, dib uma gaajoone Markaan dirirray gaalada ninki, doofil iga raacay Sidii duul shisheeye ah ninkii, deero iga yeelay
Dugsigiyo gabbaadkli ninkii, igu dabayleeyay Ninkii diinka caasiyay markii, lagu dadaalaayay Duullaan ninkii igu nacay markaan, Deleb u heenseeyey
Ninkii igu dulaaqsaday maalintaan, anigu doonaayay Daawada ninkii igu furee, igu dugaagoobay Ninkii duunyadoodii ka tegay, duraha jiilaalka
Degmadooda oo dhaqan ninkii, dalasluhuu meeray Adiguba danwaa u tiri, hadal daleeleede Dooc waxaan kuu gelinayn, haad daalib leedahaye
Maandhow maxaa kugu dirqiyay, duujadiyo ceebta? Deelqaafka xumi waa waxaad, dir u lahaydeene Hadalkaan daliil loo helayn, waa duf iyo beene
Duuflaal inaad tahay, maxaad aniga ii daartay? Abidkaa dariiqada Allaa, diradiraysaaye Ragga diinta saalixiyadaa, dira tiraahdaaye
Daa’irada baas iyo billay, dooshu kula meertay? Doqonyahow ninkii kaa fiican waa, laga dambeeyaaye Deli laguma dhaco oo ninkii raga, looma duur xulo e
Goortuu dabbaaraha shidaan, daaqad loo heline Dalaqyadii Jidbaalle iyo halkaad, igula daalayso Dani kaama haysee, anaad igu danqaysaaye
Alla dugay! iyo weyda waad, igu dagaysaaye Yaa duhurka maanta ah tolow, ila dareeraaya Raggii idinku docogaysan jiray, duray ma siicaane
Adinkay dalleenshaye miyaan, ferenjigii daayay Wiilyahow dakaanadayda maqan, daara haw geline Daraawiish kuwii jaray adaa, iiga sii darane
Waxba hay danqine waa qabaa, deyro iyo ciile Dalka waxaad ku joogtaa intaan, kuu debcahayaaye Mar hadii dareenkaa i galo, daar kalaa xigiye Waxaan kuu dawaafinahayaa, daaqatiyo faafe
Dulucda
Jawaab kulul oo Sayidku u mariyey Xirsi Diihaal ka dib markii uu ka dacwooday jiilaalka iyo goobtii Jidbaalle.