Gabay Sare

XIRSIYOW COD GABAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Darwiish la oron jirey Xirsi Diihaal Halanje, ayaa gabay ka mariyay shirqoolkii la magac baxay Canjeel beryuhuu dhacay. Gabaygaas oo uu Sayidka ku leeyahay Sayiddii nimankaas xarunta iyo diinta ku caasiyoobey diinta ha la cisaaro oo ha la ciqaabo. Sayidku markuu gabayga maqlay buu wuxuu ka baqay in lagu digniin qaato, dabadeedna colaadday qabaan la ogaado oo taladoodu caan baxdo. Markaa isagoo canaan waayeel Xirsi u jeedinaya, ayuu mariyay gabaygan.

Xirsiyow cod gabay waadigii, caarif ku ahaaye Nin cibaara badan lagu shuboo, caalimaad tahaye Caqligu kaama suulee wadaad, caaddilaad tahaye

Cimrigiisu raagyow adaan, caashaq kuu ahaye Cindigaa waxaa igaga jira, adiya caynkaaye Waxaad igu ciseysaan abtow, waa cashiirada e

Cawo iyo ayaan baan ku helay, cuurka aad tahaye Cafi iyo caafimaad Eebbahay, idinku cuukeeye Ilaah ha idin caawimo, ducaan kuu cawilaayaaye

Ka cifada ciyoontaba wuxuu, ferenji kaa cayrshay Camal suubban iyo ceeb la’aan, cawro ku la’aada Caydh iyo cadaabkii Allow, cidaha haw keenin

Afartaa intaan kala cayimay, calanka maw taagay Cunsurtiisa lama seejiyee, cayn ma ka higaadshay Cuntub kalana waa ninka ay, caradu kaa hayso

Amba ciilka waa kula qabaa, caadda kaa maraye Cadaawuhu wuxuu ina ku falay, waa cir soo dumaye Waxba haw calaacalin rag waa, kii calool adage

Wiilyahow catowgaagu waa, camal haweeneede Haddaad cuurar reeb tahay dagaal, cawga kuu yimi e Maandhow ciyoon lama ordee, ceerida ha jeexin

Maandhow ha ceelqodin markaad, nala cawaynayso Cadanyadana yaan lagugu garan, caabuq baa jira e Sidii nimaan colaad qaadanayn, ciira hays gelinnin

Gorayada callaa loo dhigay, caw ku noqotaaye Ninkii caaciyoo baafiyaan, cago ku gaarayne Isagoo careefluu ka hadhi, caallihii wadaye

Ugaadhaba wax lagu caabbiyaa, waa carcoorriga e Cadceedda iyo kobaha waa laga, cillaataaye Casharaari bay geli haddaan, laga ceshiimayne

Yeeristaba cabbaar bay Midguhu, u ciddi laabaane Mar bay caamilaad ugu ridaan, meel ciriiriyahe Markay caasha keentay mariid, kaga soo cufsiiyaane

Cawshiyo biciidkaba cidlaa, caadadood tahaye Cid islaama goortay arkaan, waa ka cararaane Ninkii cimil u gala yaa falladh, cuuraduu dhiga e

Coomaadi samadaa wuxuu, cirarka meeraaba Casaan dhiig leb goortuu arkuu, ciiro soo kicine Carshiguu ku soo degi intuu, coofka soo lula e

Aarkuba wuxuu caynta iyo, calaha meeraaba Maruun buu carraabo ugu iman, reero cidhif yaale Habeenkaa wuxuu cunana waa, kaga cabaadshaaye

Maroodiga cadhoolaa rag baa, caymiyo rara e Cududdahana waa laga xiraa, lagu cayaaraaye Maandhow haddaan la carbiyin, waa cawraqabihiye

Anna ciidda waxaan jiifsadoo, car igu duulaaba Cirridda iyo suudiga waxaan, calal hagoogtaaba Cayn nimanka joogaa waxay, igu caraadaanba

Calool xumo daraaddeed waxaan, cagaha jiidaaba Mar uun baa cusaybkii adduun, caalin i dagane Oo Eebbahay ii cad goyn, culuqya waaweyne

Maandhow cishiyo leyl Rabbaan, calaf ka doonaye Maandhow ciyoon aarso waa, talo carruureede Maandhow cirroolaan ahaye, igu ciraab qaado

Mar uun baa caseeyaha la heli, caaradhuubyada e Cuqle miduu ku laabudan yahay oo, caaridaa heliye Jeeruu curraafkaagu baxo, dirir ka caadeysan.

Dulucda

Canaan iyo waano waayeel oo Sayidku u jeediyay Xirsi Diihaal ka dib markii uu gabay dhiillo leh mariyey.