XIIN FINIIN
Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen Sayid Maxamad baa doonay Faaduma Islaan Aadan oo la dhalatay lslaan Faarax Islaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ahaa. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey, xurmo iyo xididtinnimo wanaagsanna waa muujiyay. Hase yeeshee, Islaan Faarax wuxuu Sayidkii weydiistay faraskii la oron jiray Xiin Finiin. Sayidku aad buu u jeclaa faraskaas, laakiin si aan loo xaman, wuxuu guddoonsaday inuu bixiyo. Isagoo xil iska reebaya, faraskana xarragadiisa u dhammeeyay, ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray, ka dib markii gabaygan soo socda la qabadsiiyey:
Xayow Faaraxow Faarax-dhabansenge, waa ninkii Xiin Finiin Sayidku Islaan Faarax ugu sii dhiibay. hadal rag waa, loo xutubiyaaye Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye Xaddigii adduunyada, haddaad xoola iga dooni Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye Markaad Xiin Finiin Waa faraskii Islaan Faarax Islaan Aadan, Sayidka weydiistay, hooyadiisna waxaa la oron jiray Finiin. damacday baan, kaa xanuunsadaye
Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye Nin kalaan xafiidaba adaan, xaaydda kaa rogaye
Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto Xayow iyo Qayumay haddii, la igu xoodaansho Xubbigayga kuma hayn inaan, xiisoow bixiyaaye
Xamar weeye oo midab fardood, kala xiriir roone Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag Xaggii loo eryaba waa, gammaan xulashadiisiye
Xubno toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e Goortaan xusuus ula noqdaa, xiiso ii qabane Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere
Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
Xayskaa da’ayaan lahaa, Xalin ka doodeeye Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode
Xujeeyreebta reer Hagar anaan, xubashyadii ruubin Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan Xaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf lagu yeelin
Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi Iiddoore
Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane Xaashaallillaahive nin goba, xamasho waw ceebe Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
lntii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane Mar hadduu suldaan lslaan Faarax Islaan Aadan igu xil lihi, igaga xayddaantay Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.
Dulucda
Gabayga caanka ah ee uu Sayidku u mariyey faraskiisii qaaliga ahaa markii uu u hadiyeeyey Islaan Faarax.