XAY GUDUUDAN LA MOODYOW
Guud ahaanba dadka Soomaalida farduhu waxay u lahaayeen qiimo weyn. Ninkii aan faras lahayni wuxuu ahaa nin aan tirsanayn. Gaar ahaan Daraawiishta waxayba la ahayd inay noloshooduba fardaha ku xiran tahay. Sidaas daraadeed waxay aad ugu dadaali jireen, fardaha heliddooda iyo dhaqaalahooda. Marka isweydiin meyno wixii la jecel yahayba ammaantooda in lagu xeel dheeraado. Sayidku gabay iyo geeraarba fardaha aad buu ugu ammaanay, waxaa ka mid ahaa geeraarkan soo socda oo Sayidku ku ammaanayo faras la oron jiray Calanside. Wuxuuna Sayidku yiri:
Xay guduudan la moodyow, Xamar weeye korkiisu Waa xiddaayad sideedee, ma xariir cusub baa?
Afku waa xolxolkaasoo, ilka loo xanafeeyuu Xakamaa la dhacaayee, ma xandaad bir tumaa?
Bacaarka xolkiisiyo, sanka xiifta ka yeeri Wiyil loo xanafeeyoo, xaryamaaya miyaa?
Hadduu qaylo xakaaraa, xaryankeeda dhegaysto Dheguhuu xukinaayo, xawdh la taagay miyaa?
Surka xaafadda weynluu, xulkiyaa hojiyaa Xaddii weeye dhexaade, xakab loola miyaa?
Geedku waa xaasoowgaasoo, waa xayaaba galbeedoo Waa xareed midabkeede, xinni tay ah miyaa?
Dusha xaarad bannanoo, xasil loogu fariisto Xagna looga dhacaynoo, xukumaysan miyaa?
Fanku waa xaraf weynoo, xawaal weeye korreysee Gumburkii Xalimeed Xalin: Waa ceel biya badan oo Taleex geesta bari ka xiga. iyo, Xaaridheer Xeeridheere: Waa tog Xalin ka sarreeya oo buur dheer leh. miyaa?
Qanaantuu xarfinaayoo, xiisaddeeda lulaayo Xin xabbaas ka karaayiyo, xusur dheehan miyaa?
Haddaan xeebta ka fuulo, Ximan Ximan: Waa ceelal xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusamarreeb iyo Gaalkacyo, waxaana ka mid ah: Cadaado, Mareergur, Gidhays iyo Godin-labe. reeraha yaal Xigsintuu u tagaaye, xanfar duuli miyaa?
Anna lay xaradhaami, usna xerya ballaaran baa Xariir loogu shubaaye, xilka-dhawrsi miyaa?
Haddaan qoofal xigoodaa, xaafidaad ugu dhaado Xurguftuu dhutiyaayo, naafo xuurrin miyaa?
Haddii layga xubeero, xididdow bixin maayaan Xabeebtiisa ku raagiye, xabbadkayga miyaa?
Xaya waaga salaadda, haddaan oodda ka xaydo Xareedkuu gurxamaayo, ma Iiddoor xuja laa?
Haddaan guuro xabiirro, xawaadeenka dhacaayuu Xijaab iiga dhigaaye, xuddur awdan miyaa?
Haddaan xuurto baqoollo, xor dallaala sideeduu Xanfigiigga ceshaaye, xaaxi layra miyaa?
Xiito meelay ka fooftay, haddii weerar la xuubsho Waa xufoo lama gaaree, ma dhashii Isxal Isxal: Wuxuu ahaa faras qoor ah oo dhal wanaagsan, fardaha Daraawiisheedna kudi jiray, geenyadii dhashayna waxaa la oron jiray Boosakurus. baa?
Hadduu xoolo gelaayo, magaan waa xannibaado Xarraan waa isxiraaye, xiddig duusha miyaa?
Taxaabaa ima xiisoo, dibna iima xabbaasoo Horuu ii xorxoraayee, ma xayuunta baraa?
Goortuu soo xaryamaayo, xayigii daba jooguu Xalqadeen ku dilaaye, ma wad loo xukumaa?
Hadduu soo xallinaayo, xiiso aan u qabnaa baan Loogu xeebanayaaye, ma xays noo da’ay baa?
Dulucda
Geeraar ammaan ah oo Sayidku u mariyey faraskiisa Calanside.