XASANOW HUB QAADDAY
Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa gabaygan u mariyey Darwiishkii la oran jiray Xasan Gaaruf Qaloombi. Gabaygan waxaa ka buuxa dardaaran xagga socodka ah, habaar cadowga ah, iyo guubaabo ku aaddan xoogga Daraawiishta.
Xasanow Xasan Gaaruf Qaloombi. hub qaaddaye haddaad, nagu hagaageyso Hiyigaad ka sara joogsatoo, hiratay laabtiiye Haddaad hiirta waaberi sengaha, halabsatoo fuusho
Habaas idinku duula iyo boor, hiriba mooyaane Hilinkaad ku dhici waa midaan, lagu habaabeyne Waa tuu haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane Waadi ceelal badan, Beledweyne ayuu waqooyi ka xigaa, Hilakeylyana webi Shabeelle ayuu kaga daraa.
Ha yeeshee wax Hawd lagu ogaa, hawkar iyo oone Hadda aynu joognaana waa, hoga kaliileede Allii harada noo buuxin jiray, kuma harraadsiiyo
Hini awdan xagar huuraloo, hirif ka soo duuli Hunguriyo kuleylkoo sidii, halac ku leefaaya Hagoog layra harac kaa astura, lagugu hoosaasi
Hungun gocandho hiil qodax le iyo, hiije iyo qaarre Hurmood gubad leh dogob huuraaloo, hadowgu naafteeyay Hirigtaad maraysiyo jirduhu, kuma halaakeeyo
Wiyil hagaf leh aar soo handadi, hiije qabe reemi Hirdi madax hankoobsiga, ciddida mici haleelaysa Hurdub geri harrartida lugeed, qalanje heeraaya
Hunufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya Shabeel horora haariban dawoco, haramcad guuxaaya Dhidar halowyaale weer, haalufada yey ah
Bahal hoose halaq baas intii. had iyo waabay leh Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga Galow hiririfleeyiyo jugley, wadana hawhaw leh
Weliyada hanoonaan beryiyo, hodonka Yaasiine Habeebaha jiidaasha iyo daal, hanaqyadii doga Habeen iyo dharaar Eebbehay, hadimo kaa baaji
Hor iyo gees hareer iyo gadaal, hadal nahaadiino Hoygaagu heerar Watiin, hoyasha Liilaafa Hayaakiil ducaan kuu akhriyee, hibada aaminso
Afartaasu waa heega roob, hababacdiisiiye Sidii hogol daruur hiifa baan, hibitiqayaaye Harawaatigii igama imaan. hoorista ahaaye
Waxaan sana hamuuraba adaan. kuu hawalayaaye Haddaad kugu hanqaro mowjadaad, ku hufan doontaaye Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye
Hunguriga iyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaaye Hawadaa waxay kula ahaan, hirar madow weyne Hinfirka iga soo bixi naflaad, kala harbeysaane
Heli meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e Xuseen baan haguug ugu dhintiyo, hokh iyo laandeyre Isaguba higgaaddaan u qoray, heli oqoon waaye
Hal yar iiga gee reer tolkaa, hagidii aad gaadho Hebelkii waleetana u sheeg, hagari waa ceebe Haweenkiyo dhallaankiyo nin weyn, harawaduu naadi
Abraahiinku haybtaannu nahay, wuusan hadihayne Waa wada qaraabiyo hilbiyo, habar wadaaggay e Jinnaa igu hudbaaye mala, ima halleeyeene
Hannaankiyo wanaagaan u galay, haaku oron waaye Hafriin ceeba igu hab daran, iguma hoorsheene Goortay habluhu boodayaan, iguma heeseene
Hidaayada ma diideen intay, Nebiga hiifaane Uma hiliiliyeen gaaladaan, heerga ahayne Haawiyada naareed jannada, kagama hoobteene
Iima soo humeen guutadii, haayirka ahayde Goortaan hamboorriyo kufrigu, iguma hiileene Harti iguma toogteen intuu, hiisha ii galo e
Habar Yoonis iyo Ciidagale, lama hableeyeene Hiraab naaga kama guursadeen, Habar Magaadley e lntay hii yiraahdaan af baas, kuma hadaaqeene
Herer a) Waxaa loo yiqiin Hargeysa inteysan magaalo noqon. b) Adarina Herer waa loo yiqiin. kuma fureen reer intay Haro Haradigeed, Haradoollood, Haraxagarrey, Harafaataneed, iyo Harahabaskuul. ka guuraane Hii kuma yiraahdeen ratiga, hiisihii gubane Hindigii Berbera joogi jiray, hil uma qaadeene
Heeryada xammaalka ah garbaha, ma ayan hoosheene Ninkii halala beesa ah tabcaday, ma hunguriyeeyeene Ma hadaaduyeen wiilashii, heelka buuxsadaye
Halqigii arlaa’iga fadhiyey, ma hargawaaxeene Hayaag iyo hulga iyo khaalidyadu, kuma hinaaseene Sidii hadal ugaaroo fakaday, lama horeeyeene
Haaruun ma layeen raggii, ugu hanweynaaye Waataa waraabuhu hanqaday, hanaddadoodiiye Horintii lahayd Faaqid bay, haniyo gooyeene
Hindisa aan jirin waa wixii, hoday Makaahiile Hoog wuxuu ku dhacay maalintuu, huray Daraawiishe Haddii ayan haad fereenji noqon, lama halaajeene
Hoor wuxuu i soo dhacay, markaan helay warkoodiiye Hilaa boodayey ma aanan jeclayn, hadalka qaarkiise Waxaan la hammiyaayaa raggey, hadur ka yeelene
Hanti baannu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile Hoodaha karaamada Allaan, igu hungoyne Goortaan habaaraan Ilaah, heeray boqontiiye
Culumada habbowgaa sidii, haatuf uga jeesta Sharcigay hasaayaane, yey idiin habowsiine Sheydaanka soo wada humbucan, nadi ku haylhayla
Haadaan waxa idinku guray, had iyo tuurtuure Haghag iyo qallayf miiran, waa lagu habuudaaye Hawd iyo inkaar waa waxaad, hore u eeddeene
Ka hakada habkiinnii shalaad, ka hawa raacdeene Hubsadaay tashiga kheyrka waad. ka hanfariirtaane Halmaan iyo ninkii hadur yaqaan, honono’iis diida
Cadaawuhu hilaaboyga waa, kugu hodaayaaye Hidyuu uga dan leeyahay, markuu kuu halaahaliye Hoygiinna yuu iman ibleys, idin huduudaaye
Hannadyahow Ogaadeenku waa, ku hawiraayaaye Isagoo hog kuu qodahayuu, kuu hawaaltamiye Inay haybad kula doonaayaan, kuma hambaastaane
Anigaa idiin huba waxaad, ku himbilyootaane Kuman heegma kuman haawiyoo, hadi ka dooyeeya Kumanyaal hanqaaraha kabtiga, samada heehaaba
Kun halloosi kuman hayrafoo, dabada hoogaansha Kun halqooqa wada taagayoo, haadda la cayaara Heensaan idiin saarayaa, xamarro heeg dheeree
Horweynaan ku soo shubi xeryaa, haawadee ma dhane Caanaha haleeladaa dhashaa, habacsan doontaane Haamaha karuurkaa sidii, heeshiguu dhiciye
Nin ragaa hammlye caalle waa, hogashadiisiiye Hiirtaanyo meeshii leh waa, laga huleelaaye Waa lagu hirtaa meel haddii, halabe kuu yaale
Hub iyo maal hanti iyo xoolo iyo, hoo aan dami haynin Waxaad iga haweysaanba waad, iga heleysaane Soo heldhowdaay deeq Allaad, ka hirqan doontaane.
Dulucda
Gabay dheer oo waano, dardaaran iyo tusaaleba leh oo ku socda Xasan Gaaruf Qaloombi.