WIILYAHOW SHAREECADU
Col Daraawiish ah oo Cumar Shiikh Cabdulle ka madax ahaa iyo dad kale oo Daraawiish xiriir la lahaa ayaa ku duulay dcgmo Daraawiish ka fakatay oo Hawd-galbeed degganayd, geel ayayna ka dhaceen. Hase ahaatee ciidan ka xoog badan baa helay, geeliina ka dhacsaday, iyagiina wax la dilay iyo wax la baqo eryay ka dhigay, waxaana lagu dagaalamay Balli-dhiig. Magacaana maalitaas buu baxay. Calidhuux oo ka mid ahaa degmadii lagu duulay ayaa gabay faana mariyey, meelna ka taabtay Sayidka. Dabadeed Sayidku, Calidhuux oo ay horayba colaadi uga dhexaysay ayuu gabaygan gaaban u mariyey.
Wiilyahow Wuxuu u jeedaa Calidhuux. shareecadu nimay shuuftay baad tahaye Shiqiyahow waxaa lagugu nacay sheeka xumadiiye Shaqfad li’idu waa waxaad u tiri shuun saraan ahaye Adaan shaato kaa foofahayn sharaf ma laacdeene Iiddoorka kaa sheexayana uma sharaaddeene Soomaali waa midaan shidiyo midaan shiddeeyaaye Adiguna shirshooraad u tahay shirada maantaaye Shiil baan wadnaha kuugu ridi shuuqda weligeeda Shifo ma laha geelaan nin lihi ila shaqaynayne Inaan sheemo weerarana waa shuqul falaadkay e Inkastoo shareer lagu wadiyo shucubbadii Hawdka Shaan-shaanka buuraha haddii sheedda laga saaro Maxaa haatan laga sheelayaa saaddambaan shabine!
Dulucda
Jawaabtii Sayidka ee ku aaddanayd gabaygii Cali-Dhuux ka dib dagaalkii Balli-dhiig.