Gabay Sare

WIILYAHOW DAMMIIN BAAD TAHAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Mar labaad ayaa Sayidka iyo Maxamuud Cali Shire dagaal dhex maray oo Daraawishi xoolo badan ka soo qaadday, markaasaa Sayidkuna gabay yar oo digasho ah ku yiri.

Wilyahow dammiin baad tahaan, doocna garanayne Dubaaqaa ku awdane sidaa, uma dufowdeene Doqonniina keliyaad ku lumi, daayinkay magane!

Dadka nimaadan gaaraynin baad, daalib leedahaye Daruuraha cishriga waxaad qabtaa, inaad ku duushaaye Waxse diiday saad damacsanayd, dan iyo taagtaaye

Dacartii aan kuu qooshay baa, duufka kaa qubaye Waxa diifka kuu yeelay waa, daayicii shalaye Daalkii manjaha kaa qabtaa, diiray boqontiiye

Mar haddaanad dirir soo gelayn, adiyo duunkaagu Dudmadaaba kaa roon sidii, dumar haweeneede Duri midaan tarayn baad tahaye, duulahayow joogso!

Dulucda

Gabay gaaban oo digasho ah ka dib markii Daraawiishtu xoolo ka soo qaadeen Maxamuud Cali Shire.