Gabay Sare

WIILYAHOW DALOOMBIYI

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashii Daraawiishi calankeedu horay u socday, dadkuna si lixaad leh hiyiga ugu hayay inuu raaco, ayaa Maxamuud Cali Shire iyo degmadoodii oo dhami iyo madaxdoodii oo dhammi xarunta u soo guureen oo Daraawiish ka mid noqdeen. Si layaab leh oo aan cidna horay loogu samayn ayaa Sayidku u soo dhaweeyay, waana la xididay oo wuxuu guursaday Maxamuud Cali Shire walaashiis, Bullo Shubato. Dab iyo xoolo aan la qiyaasi karinna waa siiyay. Hase yeeshee, muddo ka dib baa dareen kala galay, dabadeed Maxamuud iyo degmadiisii habeen madow ayay xaruntii ka guureen oo waxay ka soo jeesteen Calmadow iyo guudkeeda. Sayidku taa waa garaysan waayay oo ergo sammaan doon ah ayuu u diray. Ergadii waxay war la soo noqotay gabay uu mariyay Daadeey Maxamuud Ismaaciil oo halkudheggiisu ahaa: “Wadaadkii Ogaadecn mindhaa, uma wadiiqeeyo. Mar haddaan ka wabaxsaday mindha, weeye ma iraahdo.” Sayidkii wuxuu u qaadan waayay nimankii uu wanaaggii la ogaa u hayay oo habeen madaw xaruntii ka guuray, ergadii loo dirayna tixgelin waayey, hanjabaad iyo baane iyo hadal xumana soo diraya. Isagoo Sayidku la hadlaya Maxamuud Cali Shire iyo dadka uu madaxa u ahaa, ayuu mariyay gabayga soo socda.

Wiilyahow dalombiyahayaa, dood aan ku iraahdo Nin iblays derderay baad tahaan, doocna garanayne Dabuubtayda maqal waadigii, duuja soo naqaye

Adoo cayr la dulguleyn haddaan, duunyo kugu miisay Oo deebla geel iyo fardiyo, dahabkii kuu dhiibay Ari daab masaalkiya haddaan, idin dabaalsiiyay

Haddaan daabbaddii iyo hubkii, idinla daaweystay Oo aan dunjiga Cali Garaad, duub cad wada saaray Asaan dowlad kaa dhigay maxaad, duule igu maagtay?

Derajiyo wanaag iyo waxaan, sedo ku deeqsiiyay Adaan daalinoo socon waxaan, dacalka kuu dhaanshey Deeqii aan kuu galay miyaad, dadduufyahow eedday?

Daarood anaa kaaga roon, duri abiidkaaye Wax ku dilaya mooyee ma jiro, axad ku daayaaye Iyaguba dulmay igu faleen, dereg la’aaneede

Oo diifta igu taalli waa, dacatigoodiiye Goortaan dareemaa qalbigu, ila dawaafaaye Maxaa dabada kuu suray, nimaan dirirrayoo gaala?!

Afartaa dabraye balaan mid kale, doqonka gaarsiiyo Bal haddaunu diinkiyo sharciga, dooc ka garanaynin Oo uu dammiin yahay bal muu, daacufluhu joogo!

Mar hadduuse duullaan gabee, igu dabbaalaynin Deelqaafka uun buu u xilan, dururuqdiisiiye Wuxuu dooni inaan ceel dad liqa, dalam ku siiyaaye!

In dawaarku mari waa hubaa, duhur dharaareede Nin deebaani baaruud situu, daalibahayaaye Aar diririglayn iyo wed buu, dibad u joogaaye

Mowjada duryami buu galiyo, dirir colaadeede Duufanka Xiis baa la tegi, dooraweynaha e Dabaylihiyo foorahana sow, kuma daliil qaato?!

Mar haddaan dagaalamo facay, duudsi ma aqaane Ingiriisba dibbirooti baa, diiray lowyaha e Dangaraadyadii buu kufrigu, dalan kacaayaaye

Daandaansi ina-Aadanaa, loogu dowgalaye Dambaaburo kolkay taabataa, duurku ololaaye Duulkoodu muu naga ceshado, daaca-qurunkiisa!

Dusha inaan ka rari waa la hubaa, sida dameereede Hadhow bay sida dayrdhal geel, soo dunuunuciye Allow yaan intaan danab ku dhicin, daaddufka u sheega!

Dulucda

Sayidka oo la hadlaya Maxamuud Cali Shire iyo dadkiisii ka dib markii ay habeen madow xarunta ka guureen iyagoo ka carooday waxyaabo dhacay.