Gabay Sare

WIILKA QADAFKA II SOO DIROW

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Sayidku wuxuu qabay gabar la oron jiray Bullo Cali Shire, markaasaa hooyadeed damacday gabadheeda inay dhibaad u rarto. Maxamuud Cali Shire oo isna wiilkeedii ahaa ayey ku tiri, “Maandhow, Sayid Maxamad idinkaa dowladnimo ku colloobay aniguse soddoh baan ahaye gabadheydii dhibaad baan u geynayaa.” Maxamuud wuxuu yirir, “Hooyo ninkii dhogorta weynaa xoolo iigama baahna.” Dabadeedna hadalkii haddii Sayid Maxamed loo sheegay gabay buu mariyay oo wuxuu yiri:

Wiilka qadafka ii soo dirow, qowl aan ku iraahdo Qalyannimo waxay kaa riddaa, qar iyo buur dheer Qof haddii aad tahay kuma dhacdeen, qoobishyahow ceebe

Qummud inaad ku dili hooyadaa, qayladeed timiye Qadduunteeda waatuu la dhacay, sidii qawaar awre Qayladeeda waatuu dadkii, qaxay ayaantiiye

Naaguhu ninkii qaabka lula, uma khushuucaane Qorqoday yiraahdaan ninkii, qoyska baanjiya e Wax qawaacidaas keenay waa, qoobadii saca e

Waadigii qadoodiga necbaa, sida qamaaciire Qooraansi dheeroow xil baa, qoorta kuu galaye Qumba dhuugiddeeda iska daa, qoorta haw ridane

Qowsaarradaa loo dlrtaa neef, haddaad qalane Haysu qaawin qoob dhiiglayahow, hilibka qeeriine Qooraha ha laalaadinee, qaado maradaada

Qabsinnada haweenkaa cune, qaaxada ha boobin Qadarkana ha karin yaan indhaha, qiiqu kaa geline Habartaana qaaraha ka daa, qado haddaad seegto

Haddaad ari quruuf tahay, dugaag qoombiyaad tahaye Ha qurruudsanaan xerada, yaan qeydku kaa dhicine Qufulkana xiro yaan riyuhu, qoobka kaa surine

Qeydadaan ku barayaa haddaad, qaayo leedahaye Qalfoon madhan haddii aadan ahayn, qaado taladayda Haddii kalana qayl qayl dhalow, deyso qurunkaaga!

Dulucda

Sayidka oo u jawaabayay Maxamuud Cali Shire ka dib markii uu diiday inuu xoolo dhibaad ah u soo diro gabadha uu Sayidku ka qabay.