Gabay Sare

WAXAAD TIRAA WEEYE

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Xuseenow warbaan kuu hayaa, waxaa tiraa weeye. Walaaloow wacdiga la ina faray, wanaag weeye. Waanadii astaadkeennu yiri, weer aan rabo weey e. Walbahaarka aakhiro inaan, wax u tabcaa weeye. Wax sanoo aan dooni iyo, inaan wax xun nacaa weeye. Wabannimo ma fiicnee inaan, wax xun nacaa weeye.

Xuseenow warbaan kuu hayaa, waxaa tiraa weeye Walaaloow wacdiga la ina faray, wanaag weeye Waanadii astaadkeennu yiri, weer aan rabo weey e

Walbahaarka aakhiro inaan, wax u tabcaa weeye Wax sanoo aan dooni iyo, inaan wax xun nacaa weeye Wabannimo ma fiicnee inaan, wax xun nacaa weeye

Diintaan wadeecada ka dhigay, inaan wallayn weeye Wahsi baa naftii iga jaree, inaan warfaa weeye Wiilnimo wixii igaga tegey, waha sideed weeye

Wardigiyo shahaadada inaan, weheshadaa weeye Weysada salaadeed inaan, waaxidsadaa weeye Waannahaarka soon inaanan, soor waana cunin weeye

Waxaddayda maal inaanan dago, waxtar ku deyn weeye Wixii waajiboo idil inaan, wada gutaa weeye Waqfiqii saxaabaha inaan, waafaqsado weeye

Waayeelka xaajada inaan, ugu wacaa weeye Haddii ay walaacaan inaan, wari iraa weeye Xaqa lagama waabtee inaan, waa kan oron weeye

Wacad Eebbe iyo dhaaraan maray, inaan wafeyn weeye Walle beena abidkay inaanan, wafaladeyn weeye Haddii aanan waallayn inaan, waabsahay weeye

Wallays iyo nin wayn inaan, xurmada wada simaa weeye Nin isoo wiciidsaday inaan, wax u galaa weeye Wayi iyo wax sii inaan islaan, wax ugu wadaa weeye

Wadaadkii kitaabbale inaan, wan u qalaa weeye Walaanqihiyo dheyada inuu, walafsadaa weeye Weylaalis meel wacan inaan, ugu wadha weeye

Ina- Walabban oo kale inaan, weger dhahaa weeye Wax i sii haddu yadhi inaan, walacsadaa weeye Walasaqo wixii igula jira, inaan wireyn weeye

Ina-Shixirigii wagarsanaa, weled nijaas weeye Warraabkii ka reysaha xumaa, waraq la goo weeye Warqadduu magaalada u diray, talo wahaab weeye

Iiddoorku weligiis inuu, wadal ahaa weeye Walandaadi kheyr daran, inay wax u yihiin weeye Wax inuusan garanayninoo, waalan yahay weeye

Wardigiyo shareecada inay, wada naceen weeye Nin jihaad u weyraxay inay, wahan geshaan weeye Sidii fule wadnihii go’ay, inay waranwaryeyn weeye

Weliyada shehiidkaa kuwii, waafka jarayi weeye Waleecaad ha raacee Ibleys, warasadii weeye Waqood abadankood inay kufriga, daba washlayn weeye

Usaguna walaabuu helayaa inuu, wasaa weeye Weligood jannada inaan yibruhu, waana urin weeye Waddada naarta loo maro inay, walashtamaan weeye

Raggii dunida waaqeelin jiray, igu waliil weeye Sidii wabarradii loo ajalay, oh iyo way weeye Inuu caro wiriirkeed qalbigu, ii welweli weeye

Wed hadduusan ii immaan inaan, wax u liilleyn weeye Wasiirtii xigaalkay inaan, wadar u layn weeye Weysaaq eolaadeed inaan, Webi tagaa weeye

Ninkaan ila wisiisiyin Ilaah, welef u keen weeye Wecelkaas cadaabeed inuu, weera yahay weeye Anna inaanan weligay Canjeel, wadeecadayn weeye

Ninkii gaal u waasiya inaan, wabadaraa weeye Warammadiyo hootada inaan, kaga websin weeye Sidii weer wadaal helay inaan, wiif ka dhigo weeye

Waraabaha dugaagihi inuu, wabaxsadaa weeye Goortuu wiriijiyo inuu, waada guuro weeye Wayaaggii ka soo hadhay inuu, haad waywayo weeye

Wanaskii Galbeed jaray inaan, weer u xiran weeye Wejigoodu gubegaas inaan, col u waddeyn weeye Sangootiga wacdowga inaan, wegaradeyn weeye

Wareegada inaan qalahayoo, weerar ahay weeye Winifiirle reer Hagar inaan, wagac ku siin weeye Hadday soo wiriiryaan inaan, wirif ka siin weeye

Baqahay wajiiraan inaan, walamsadaa weeye Walkadaadka aan bado inay, walashtamaan weeye Wasiirkooda cayreed inuu, Webi tagaa weeye

Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye.

Dulucda

Gabay xambaarsan wacdi iyo go'aammada dariiqada ee ku aaddan jihaadka iyo diinta.