WARKA BADAHA LAGA KEENAYO
Dagaalkii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jabiyay markuu dhacay ka dib ayaa dadkii cadowga u ahaa ku digtay oo waxaa lagu billaabay xumo iyo waxkasheeg aan sal iyo baar lahayn. Taas waxaa keenay markii Daraawiish towsi ka muuqatay col iyo gaadde midna wax ka soo baxa laga waayey. Usagoo Sayid Maxamad doonaya in la rogaal celiyo oo dagaalkii Jidbaalle Ingiriis laga aargoosto, ayuu olole iyo guubaabo kula dhex dhacay Daraawiish si duullaan loo humo, dagaalna loogu kiciyo Ingiriis iyo kuwa u adeega, wuxuuna Sayidku yiri:
Wararka badaha laga keenayee, beeshu ii warisay Ee boonta Habaryoonis iyo, bogox ka soo dhoofay Oo aniga bari iigu yimi, waan ka buubsanahay
Wax bishaara helaa waa ninkuu, beejey gacalkiise Baar sare ninkii aan ka dhalan, baahi baa diliye Wax baylahdaa iigu wacan, waa badeen xumo e
Daraawiish ninkii bili u falay, waw badawnimo e Siday boqorradii uga lumeen, biin cad baa haraye Buruud luguma oga wiilashaa, baacin laafyaha e
Bilcaan dumara baha dhowra oo, wada baraaraysan Aqal bilic leh oo lagu bayiday, baarro iyo xeero Barni iyo bariis iyo xalwiyo, budo la iidaamay
Bilcooshaan xariiriyo baftiyo, khayli baro weynle Sange buuran bari dhowr casoo, bulushku laadlaado Bilbilaha maqaanaha sitaac, shaalka laga buuxshay
Baqas ariya boqollaalka geel, baarqab iyo goolal Baqar lo’ ah banaaxiga gugii, bayddi iyo raaxo Barwaaqada adduunyada ah bay, barako moodeene
Baabkii Ilaah iyo sharcigii, laga baxaayowye Burco Laaran Gaal Ingiriis ah oo Burca xukumi jiray. buu tegi, ninkaad beri u yeedhaaye Nin waliba sidii baadi geel, naga banjoogowye
Ballanfure kuwii aan lahaa, boowayaashaya e Burris bay ahayd dhaar waxay, boholo jeexeene Wixii ay billaahida mareen, beenshe taladiiye
Qaylada bayaankaa haddii, buunka lagu yeersho Birmadkii la soo yaaci jiray, haatan laga baadye Waxa baaqa lagu diidaya, waa baraad li’iye
Aarkuba wuxuu balacsadaa, boodda ka horowe Bakowyada intay looshadaan, beri ma doontaane Nimankii banaaggoodi jaray, baafin ma hayaane
Raga haatan baashaali waw, baraq nugaylkoode Baasaha colaadeed haddii, belel ku qiiqaabo Banaadiiqda nimankii la dhacay, beegsan ma hayaane
Sidii ari bulaad galay raggii, buuradk u jiifay Baqalyuhu ragguu cunahayee, boobay hilibkiisa Marna kama biriiryaabayaan, baalcaddii shalaye
Buuhabuuhadii laga tegiyo, babul-kicintiiye Booley ahayd faan waxay, bedertamayeene Goortii loo bareeray ciyow, balow yiraahdaane
Anigaaba baaloon hayee, baarax baa dhacaye Waa baydad nimankii la dhigay, Buura dhinacoode Baqahii Jidbaallaa Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay 1904, waxayna ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartamaheeda meel Laascaanood waqooyi ka xigta. ka dhigay, baali caana lehe
Nimanyahow si baas baa qalbigu, ii balbalayaaye Sidaan bariidaad cunaa wadnuhu, way bugleeyahaye Badankayga waxa saas u galay, boohin iyo ciile
Buska wax igu riday gaaladii, balagta dheerayde Wuxuu beerku ii ruxan raggay, baga u laayeene Waakaa waraabuhu ka bogan, burunjidaydiiye
Raggii aniga ii burin lahaa, waa bud aakhiro e Eebbow baqdhoos ba haraan, biidna tarahayne Bulge iyo waxaa ii arrimin, buqulkii Ibraahim Buqul: Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduulaha ciidamada Daraawiishta. Waxaa lagu dilay Bixin (Garoowe) 1919, waxaana dilay ciidamadii Ingiriiska. gaabnaaye
Eebbow birtaan rabin sidii, beydaroo kale e Eebbow berriyo saaddambaan, bixitamaayaaye Eebbow waxaan sii biglayn, biliqda deyreede
Eebbow boqoolaannu nahay, aniyo Boodeyse Waa faras ka mid ahaa fardaha Sayidka u gaarka ahaa. Eebbow Burciyo Looyo waa, beled amxaaraade Eebbow barqaan mari karaa, Beeratiyo Waxay u dhexeysaa Oodweyne iyo Burco. Siige Waa ceel u dhexeeya Mandheera iyo Cadaadley.
Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinhayaaye Eebbow ba’naan kuma jiriyo, baaddil iyo qooqe Eebbow biddaha ii horee, baqalka Iiddoore.
Dulucda
Dagaalkii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jabiyay markuu dhacay ka dib ayaa dadkii