Gabay Sare

WALHAD

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Col haddii la wacaayo, lugi waa wantacow e. Walhadow guraddiisa, waalluu ii goglaxaaye ma naagtay wacan baa!

Sibraar caanaha Weeto, wabax looga dhergaayo Koorihii wesherraa iyo, sitaacuu walcinaayiyo Wiyilkii shalqanaa iyo, waafeeroow nadigii iyo

Warmahayga kan dheer iyo, waaxidkeyga hadlaaya Intaasuu wadwadaayo, waraarkuu ku sitaayoo Arba waalan sidiisa, wagwag buu socdaaye

Wahsi loogama yaabee, wal cafaari miyaa! Haddii waaga la fuulo, wanahaarka boqoole Wahdi weeye qabow e, walwal layra miyaa!

Haddaan guuro wadiidno, waliilkii dhaxantii iyo Wahab kuu celiyaye, ma dhar laygu waraa! Wiido meelay ka fooftay, haddii weerar la tooxo

Wagan buu ka baxaaye, ma wajaaf la ridaa! Wax hadduu qabsanaayo, jeenyuhuu warwaraaye Wax ku haabadka qoobka, ma aar soo wahwahaa!

Meel walaabiyo qaad iyo, rasaas laysku wirfaayuu Ka waldhaaban hayaaye, ma wakiila Allaa! Haddaan weecsho rogaalka, wiliftuu rogmanaayo

Warfiskuu ambanaayo, ma wiriila didaa! Nin weyn buu waddaraayoo, geesi buu wafjaraaye Waaleeyuu dhacsadaaye, wed miyaa kululaa!

Geela weeta irmaan iyo, weristii nimanayd iyo Wadaal buu eryadaaye, wabar xoogle miyaa! Meel waaceen laga waayoo, dadku gaajo la wiiqmuu

Webxiyaa dhergiyaaye, ma wajiina da’aa! Afartii waryabaad iyo, waqiil laysku gargaariyo Waxtar baan ku qabaaye, weli kheyrle miyaa!

Walax duunyo ka roonoo, waalid layga abuuriyo Walaal baan ka dhigtaaye, ma wasiila jannaa! Wayadaan arki waayoo, walbahaarka adduun iyo

Welwel baan u dhintaye, wadnahayga miyaa! Diraacaa wacdigooda, wanan baan u qalaayoo Walanqaan u jaraaye, ma wadaad martiyaa!

Waldhacooyinka hoosiyo, waraqiisa sudeenkiyo Wajigaan u subkaaye, ma wiilaan dhalaa! Weligay kama maarmoo, wariirtii aqalkaygiyo

Waageerkuu ku jiraaye, ma wasiir gacal baa! Dushu waa wanqaraar oo, waa walaayad qurxoonoo Wasakh loogama yaabe, ma xariir wirqan baa!

Afartuu ku wilgaaftiyo, waqaafaa shullihiisiyo Waaxyihiisa garaantaa, ma shiikh weesa qabaa! Walwallaynta raqlaynta, laafyuhuu walqiyaayo

Iswaraari ruxiisu, ma wallays kibray baa. Afku waa waradh jeexanoo, biro laysku wakaabaa Walam loogu ridaaye, walaaxowli miyaa!

Aragguu wax ku dhowro, wiriqdiisii bu’diisiyo Indhuhuu ka wacsiiyo, Ma hillaac walaclaa! Shimbiraa wiriftoodiyo, walax meel ka dhaqaaqday

Wirwiir buu ku arkaaye, ma damuumiswalaa! Waawarayda dhawaaqa, haddii uu wax dareemo Dhegihiisa waryoonsan, wardhegeysi miyaa!

Meelaan wuu lala gaarin, haddii wiiris ka yeero Waqti buu maqlaaye, ma taar baa weddannaa! Wafka uu lalminaayo, dabaduu walfinaayo

Wisil barka ku yaal iyo, waras nooci miyaa! Qoortu waa xusul waara, walcaan weeye fankiisu Dushu waaleed bannaan iyo, welga xaadhan miyaa!

Haddaan kaarka ku waabsho, wanshax loogama yaabo Wajaq waa isxiraaye, wanfariiri miyaa! Wanqaarkuu handafaayo, weyla raadis galbeed iyo

Wiligluu u socdaaye, ma waayeel culus baa! Hadduu soo wafwafleeyo, wabwabtuu gurdamaayoo Onkod waadi ka yeeriyo, cir wanaanyi miyaa!

Haddii aan wagdigiisa, weydaar xoogle ku dhaado Waantis buu u socdaaye, naafo waarrin miyaa! Wadda jiidka socdaalka, dib ii weyricin maayee

Weylaweyla maaltamayaayee, waa kaney ma jinnaa! Wijiwaaji qalaad iyo, waaleed Eebbe ballaarshuu Soo waraariciyaayee, ma dabeyl wahad baa!

Hadduu wayraq ku raago, ma weydoobo jirkiisu Webin meyso naftiisuye, qani waasac miyaa! Hadduu weerar ku raago, walas dhoobo madow iyo

Watabiirka ma qaatee, warac caaggan miyaa! Wiyeerkuu ka cabbaayo, waabka uu harsanaayo Shirku wow waddamaaye, waalli duuban miyaa!

Wanaajoo iska dhaafaye, ammaantiisu wujuubiyo Witirkii ratibnaa iyo, werdigeyga miyaa!

Dulucda

Gabay ammaan ah oo Sayidku u mariyey faraskiisii uu aadka u jeclaa ee Walhad.